Xog: Dhaqan-gelinta amaro cusub oo ay soo saartay Villa Somalia oo la billaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhamaan ciidanka ilaalada Villa Somalia ayaa bilaabay fulinta amarro cusub oo la sheegay in ay soo saartay Madaxtooyada Soomaaliya.

Amarradaan la soo saaray ayaa ah in aqoonsi la weydiiyo qof kasta oo lugeynaya ama gaari saaran, islamarkaana maraya wadada hormarta Madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidanka ayaa markii hore aqoonsi weydiin jiray wadayaasha gaadiidka waxaase hadda soo kordhay in aqoonsi looga baahan yahay dhamaan dadka gaariga saaran, aqoonsiyadaas oo ah kuwa dowladeed.

Sidoo kale waxaa la xoojiyay in dadka lugeynaya la weydiiyo aqoonsi taasi oo markii hore aheyn joogto, balse hadda laga dhigay joogto ama in qofku damiin maro wadadaasi.

Arintaan ayaa sameen abuurtay durba waxaana soo baxaya wararka sheegaya in dad badan laga reebay gaadiid ay la socdeen.

Villa Somalia ayaa ku sii fideysa degmooyin dhowr ah, waxaana soo degay dad madax ah, taasi  oo kordhineysaa cadaadiska saaraan dadka shacabka ah ee halkaas ku safra ama dagan.