Al-Shabaab ‘oo burburiyey’ guryihii, Masaajidadii iyo xafiisyadii degmo ay galeen

Run-Irgood (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Run-Irgood Macalim Muxudiin Maxamed Kulmiye, oo la hadlay warbaahinta gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay barakicin ku haayaan dadka ku nool qeybo kamid ah degmadaasi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay bur buriyeen guryo, xafiiskii degmada, Saldhigii booliska, masaajid iyo dhismiyaal kale oo muhiim ahaa.

Guryahaas oo u badan xarumo iyo hanti dowladeed ayaa dhulka lala simay waxaana sidoo kale la barakiciyay dhamaan dadkii daganaa. Maamulka degmada ayaa sheegay in aysan waxba ka qaban karin bur burinta Al-Shabaab islamarkaana ay qeyla dhaan u dirayaan dowladda Soomaaliya.

“Ma awoodno inaa ka qabano dadka dhibaatada loo geysanayo, sababtoo ah iyaga ayaa ka taliyo degmada annagana Muqdisho ayaa joognaa,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Run-Irgood ee gobalka Shabeelada Dhexe.

Qaar kamid ah dadka degaanka oo la soo xariiray Caasimada Online, ayaa noo sheegay in loo geystay jirdil handadaad iyo barakicin, islamarkaana ay garab uga baahan yihiin dowladda Soomaaliya.

Maamulka degmada ayaa dhinaca kale sheegay in Al-Shabaab ay arrintaan ku badasheen lacag ay ka qaateen dad ganacsato islamarkaana ay dowladda Soomaaliya la xisaabtami doonto markii ay ahaataba.