Mareykanka oo gaadiid lagula dagaalamo Shabaab siiyey ITOOBIYA + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in gaadiid dagaal iyo agabyo kale ay ku wareejisay dowladda Itoobiya, kuwaas oo ay shaacisay in loo adeegsan doono dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Addis Ababa ayaa waxaa lagu sheegay in u jeedada taageeradaasi ay tahay sidii ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ay isaga difaaci lahaayeen weerarada uga imaanaya dhanka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay safaaraddu sheegay in ciidamada Itoobiya ee jooga gudaha Soomaaliya la siin doono tababaro dheeraad ah.

Deeqda ay Itoobiya la wareegtay ayaa waxaa ka mid ah baabuurka gurmadka deg-deg ah (Ambulances), gawaarida yaryar ee (Land Cruisers), kuwa qaada sahayda iyo askarta ee dul banaanka ah iyo agab kale oo ay adeegsanayaan ciidamada.

Sidoo kale waxa ay taageeradaan ciidamada Itoobiya ka gacan-siineysaa dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo  la socodka dhaq-dhaqaaqa kooxda Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa horey taageero dadban iyo mid toos ah u siin jiray dowladaha dariska, sida Itoobiya iyo Kenya oo ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Si kastaba ha’ahaatee Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka ka qeyb-qaata dagaalka Al-Shabaab, isaga oo duqeymo ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.