Sacuudiga oo soo rogay shuruudo cusub oo la xiriira gudashada Cumrada

Riyad (Caasimadda Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqdya shuruudo cusub oo la xiriira gudashada acmaasha Cumrada, waxeyna arintani salka ku heysaa cabsiga laga qabo xanuunka Coronavirus.

Dadka looma ogolaan doono iney taabtaan Xajrul Aswadka (Dhagaxa Madow) si looga fogaado faafista xanuunka Covid19, sidoo kale waxaa la amray in 10-jeer in ka badan la nadiifiyo Masjidka xaramka oo ay kacbada ku taallo.

Dowladda waxey meelo gaar ah u diyaarisay dadka laga helo Covid19, si loogu karantiilo isla markaana aysan bulshada kale ugu gudbin.

Muddo lix bilood ah dadku wey ka xayirnaayeen gudashada cumrada, sidaas darteed laga bilaabo 4-ta October waxaa la ogolaan doonaa in dadka u dhashay Sacuudiga iyo dadka daganba ay cumreystaan, kaliya 6,000 (Lix kun oo qofood) ayaa la ogolaan doonaa maalintii.

Marka la gaaro 18-ka bisha October waa la kordhin doonaa tirada waxaana la gaarsiin doonaa 15,000, waxeyna ku gudan doonaan Masjidka Nabiga (N.N.K.H) ee ku yaalla magaalada Madiina.