Cali Wajiis oo shaaciyey xil uu Fahad ‘u ogolaa’ Mukhtaar Roobow intii aan la xirin

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ahaa culimadii sida dhow ula shaqey jirtay dowladdii Farmaajo ayaa markii ugu horeysay shaaciyey talo uu Fahad Yaasiin siiyey intii aan Baydhaba laga soo xirin Sheekh Mukhtaar Roobow.

Sheekh Cali oo wareysigaan siiyey Weriye madax-banaan oo lagu magacaabo Maxamed Cali Faracade ayaa sheegay in Fahad Yaasiin uu habeen la kulmay, isla markaana uu kala hadlay arrinta Sheekh Mukhtaar oo markaas musharax ahaa.

Wuxuu sheegay in Fahad uu ka dalbaday in isaga iyo Sheekh Bashiir ayaa la hadlaan saaxiibkooda Mukhtaar Roobow oo doorashada ay ka reebaan, maadaama ay halkaas geysanayaan madaxweyne ay wataan.

Markii uu Wasiirka amniga soo saaray warqadda Sheekh Mukhtaar loogu diiday doorashada K/Galbeed ayuu sheegay Sheekh Cali Wajiis inuu la xariiray Fahad oo markaas uu soo jeediyey in Sheekh Mukhtaar loo magacaabo Wasiirka diinta ee dowladda dhexe, isla markaana uu ogolaaday Fahad Yaasiin.

Hase yeeshee wuxuu sheegay in diidmo adag uu kala kulmay Sheekh Mukhtaar oo Baydhaba ku sugan, isagoo u cadeeyey in Fahad iyo Farmaajo uusan aami doonin oo dhowr jeer ay balan uga baxeen.

“Fahad wuxuu i yiri hadda ku soo qanci Sheekh Mukhtaar wasaaradda diinta, isagoo Baydhaba jooga ayaan u magacaabeynaa, markaas waxaan wacay Sheekh Mukhtaar, anigoo ka qarinaya in Fahad aan wadahadalnay ayaan ku iri ninyahow maamul waxaba haku faline, waxaan ka culumo ahaan ku tashanay in wasaaradda diinta lagu geeyo,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Balse wuxuu sheegay in diidmo adag uu kala kulmay Mukhtaar Roobow, “Wuxuu I yiri Sheekh nimankaas wax dambe kuma darsanaayo, mana aaminaayo mar dambe, xitaa hadii ay i dhahaan R/Wasaare ayaan kuu magacaabeynaa,” ayuu yiri.

Sheekha oo sii hadlaayey wuxuu sheegay in Mukhtaar Roobow uu xiligaas uga digay qataraha ku soo wajahan, maadaama ay kooxdii Farmaajo aad u diidaneed inuu u tartamo kursiga madaxtinimada K/Galbeed.

“Wuxuu xiligaas Mukhyaar Roobow iigu jawaabay aniga afar xaaladood ayaa igu imaa karta, 1-in doorashada aan galo oo ku guuleysto, 2-inaan tartamo oo la iga guuleysto oo sidaas aan ku qanco, 3-in Baydhaba la igu dilo, 4-iyo in anigoo katiinadeysan Muqdisho la iga dejiyo, waan la yaabay maalintaas, waxayna noqotay in Muqdisho lagu soo xiro oo xaaladii oo qodobkii 4-aad uu la kulmo,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Waxaa xusid mudan in markii lasoo dhisay dowladaan Madaxweyne Xasan Sheekh deg deg wasiirka diinta loogu magacaabay Mukhtaar Roobow oo ku jiray xabsi ay gelisay dowladdi Farmaajo, wuxuuna hadalka Sheekh Cali Wajiis daaha karogayaa suurta galnimada in talo ay bixiyeen culumada lagu soo magacaabay Sheekh Mukhtaar.

Hoos ka daawo