Imaam Masjid oo saaka lagu dilay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo saaka koox hubeysan ay ka fulisay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay Imaam Masjid oo lagu magacaabi jiray Sheekh Mukhtaar Cabdi Xaamud, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Marxuumka ayaa xilliga la dilayay kasoo baxay Masjidka Maqaamul Ibraahim ee ku yaalla agagaarka jaayga degmada Wadajir oo uu Imaam ka ahaa.

Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka geystay ay ku hubeysnaayeen Bistoolado, isla-markaana ay si deg-deg ah goobta uga baxsadeen, kadib toogashada.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda federalka Soomaaliya, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi, balse ma jirto cid ay u soo qabteen toogashada loo geystay Imaamnka oo caan ka ahaa gudaha degmada Wadajir.

Imaam Sheekh Mukhtaar Cabdi Xaamud ayaa kamid ah wadaadadii ka qayb-galay shirkii Culimada Soomaaliyeed ee dhowaan lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaas oo laga soo saaray go’aanno ka dhan ah Al-Shabaab, waana sababta loo beegsaday marxuumka, sida ay ilo wareedyo lagu kalsoonyahay u sheegeen Shabakadda Wararka ee Caasimada Online.

Ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi iyo howlgallada xigay.

Dhanka kale ma jirto illaa iyo hadda cidda ka dambeysay dilka marxuumka oo dhacay xilli hore oo aroor ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dilkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, kuwaas oo aad u kordhay maalmihii lasoo dhaafay.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab oo haatan wajaheysa dagaal culus oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka iyo dadka deegaanka ayaa culyes xoogan soo saartay Muqdisho.