DAGAAL markale dib uga billowday Laascaanood iyo khasaaraha oo sii kordhay

Laascaanood (Caasimada Online) – Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa weli ka socdo dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka, kaas oo galay maalintii 8-aad, ayadoona uu kordhay khasaaraha.

Dagaalka oo ah mid xoogan, isla-markaana la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saameyn ku yeeshay dadka rayid ah oo isaga barakacay guryahooda.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka saaka ay soo qaadeen ciidamada Somaliland ee ku sugan duleedka magaalada, waxayna isku dhaceen maleeshiyaadka dadka deegaanka.

Dagaalka xoogiisa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in haatan uu ka socdo koonfurta Laascaanood, isla-markaana uu kusii fidiyo meelo ka baxsan magaaladaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka ay barbar socota duqeyn xoogan, gaar ahaan madaafiin lagu garaacayo xaafado ka tirsan magaaladaasi, taas oo kordhisay khasaaraha dhimashada iyo dhaawac.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in khasaaraha tirada dhimashada iyo dhaawaca ay korortay, isla-markaana ay kor u dhaaftay illaa 100 qof.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalka maanta dib uga bilowday koonfurta magaalada Laascaanood.

Xaaladda ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana lagu soo warramayaa in labada dhinac ay helayaan gurmadyo xoogan, taas oo uga sii dareyso xaaladda adag ee ka jirta halkaasi.

Arrimahaan ayaa kusoo beegmaya, ayada oo ay burburtay xabad joojintii ay ku dhawaaqday Somaliland, maadaama uu weli dagaalka halkiisa ka socdo.

Si kastaba, labada dhinac ayaa horay u sheegay in mid kasta uu diyaar u yahay xabad joojinta, balse ma noqon mid hirgasha, waxayna noqotay mid ku kooban afka baarkiisa.