Cali Xaaji Warsame: Waxa dhacay waa musiibo qaran oo aan horey loo arag…!!

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland ahna murashax Madaxweyne ee maamulkaas, Cali Xaaji Warsame ayaa ku tilmamay musiibo aan hore loo arag dagaalka ka socda deegaanka Dhumay ee gobolka Sool.

Dhumay oo Koonfur Galbeed uga began Gobolka Sool ayaa waxaa isniintii dagaal lagu riiqmay ku dhawaad 100 ruux isaga dilay beelaha Bahararsame iyo Qayaad oo ka wada tirsan Dhulbahante.

Lama oga waxa rasmi ah ee dhaliyey dagaalkaas dhimashada iyo dhaawaca badan dhaliyey.

Hase ahaatee, Cali Xaaji Warsame ayaa ku tilmaamay MASIIBO QARAN oo aan wali hore loo arag, halka uu sidoo kale wax aan la qaadan karin ku sheegay  khasaaraha uu geystay dagaalkaas laga fursan karay.

“Dagaalka Dhumay waa masiibo qaran oo aan hore heerkeeda oo kale oo arag. Dadka ay waxyeelada dagaalkan aan loo baahnayn ka soo gaadhay waa wax aan ka aqbali karin.”

‘Waa musiibo dagaal ehel oo aan joogsaneyn, xal laga gaareyn, xeer-beegti loo raadineyn. Kulligeen waa ku eedaysanahey.”

Labada beelood ee ay collaadu u dhexeyso ayaa sanadihii dambe loo kala maaro waayey.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com