Mursal oo fariin u diray DF iyo maamul goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Mursal Sheekh Cadiraxmaan, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalada kasoo cusboonanaya Gobolka Sool.

Guddoomiye Maxamed Mursal oo colaada ka hadlaayay ayaa sheegay in marka hore Golaha Shaacbka uu aad uga xun yahay dhiiga ku qubanaaya deegaanka Dhumay ee Gobolka Sool.

Mursal, waxa uu sheegay in Goluhu uu ku baaqayo in dagaalkaas si deg deg ah loo joojiyo,isla markaana ay ka qeyb qaataan dhinacyada waxtarka u leh Bulshada.

Guddoomiye Mursal waxa uu sheegay in dowlada Somalia iyo Maamul Goboleedyada ka jira dalka aysan muuqan kaalintooda lagu qaboojin lahaa colaada Sool.

“Ma aragno kaalinta dowlada iyo maamulada ee go’aan ka gaarista colaada ka jirta Gobolka Sool, waa inaan si wada jira ugu kacnaa daminta colaada”.

Sidoo kale, Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in Culimada iyo Odayaasha Dhaqanka Gobolka Sool laga doonayo inay kaalintooda ka qaataan daminta colaadaas.

Ugu dambeyn Xukuumadda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada ayuu ugu baaqay inay dhankooda ka qeyb qaataan sidii loo joojin lahaa dagaalka dhexmaraya labada beelood ee walaalaha ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com