Diiwaanka Musharraxiinta madaxweynaha Puntland ee 2019: Loolanka Morgan

Waa kuma Gen. Moorgan

Gen. Moorgan waxa uu ku dhashey degmada Qardho ee gobolka bari sanadkii 1949, waxbarashadiisa hoose waxa uu ku qaatey magaalada Boosaaso, kadib waxa uu u wareegay magaalada Muqdisho.

Sanadkii 1967 ayuu ka mid noqdey ciidankii Milteriga ee Soomaaliya, waxaa waxbarasho layli sarkaal loogu direy dalkii Midowga Soofiyeeyti muddo saddex sano ah, dalka waxa uu dib ugu soo noqdey kadib markii uu dhacay Inqilaabkii Milteriga oo dalku gacanta u galay ciidanka.

Waxbarashadiisa sare ayuu Gen. Morgan ku qaatey dalka Maraykanka, waxaana uu shahaadada Master-ka ka qaatey The United States Army Command and General Staff College ee gobolka Kansas, halkaas oo ay uga baxdey naaneysta Morgan marka la eego Shaarbihiisa cajiibka ah waxaana loogu magac daray nin caan ka ahaa Maraykanka. Dalalka kale ee Morgan wax ku bartey waxaa kamid ah dalka Jamhuuriyadda carbeed ee Masar.

Gen. Moorgan ayaa kamid ahaa ciidankii loo tababaray Sharpshooter, ama kooxda aan shiishka la gefin, waxaana la sheegaa in uu kamid ahaa Sharpshooter ugu khatarsanaa Soomaaliya.

Waxa uu kamid noqdey taliyayaashii urarada ciidanka, goobaha uu caanka ku ahaa waxaa kamid ahaa qaybtii 21aad ee Gobolada Dhexe iyo Qaybtii 26aad ee gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.

Dhamaadkii sanadihii sideetamaadkii waxa uu noqdey Wasiirkii gaashaandhigga ee Soomaaliya, sidoo kale waxa uu noqdey Wasiirkii Hawlaha Guud iyo guriyeynta ee Soomaaliya.

Gen Moorgan waxaa sodog u ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Jaalle Maxamed Siyaad Barre, wuxuu qabey Canab maxamed Diyaad barre oo ay dhashey maamo Khadiijo, markii ay jamhaddii USC ka dagaalmeysey gudaha Muqdisho 1991, waxaa Morgan dagaaladaas uga dhintey mid kamid ah caruurtiisa oo ay ku dhacde rasaastii jamhadda USC.  Xididnimada Gen. Morgan la wadaagey madaxweynihii xiligaas ayaa u fududeysey in uu xilal sare dalka ka qabto iyada oo saraakiisha lamidka ahaa ee isla beeshiisu badankood ku jireen xabsiyada ama ay dalka ka baxsadeen.

Morgan iyo Somaliland

Gen. Moorgan waxaa qiyaastii 1986 loo beddelay goboladii Waqooyiga ee Soomaaliya, si loo dejiyo xaalad kacsan oo uu bauurey taliyihi isaga ka horeeyey ee Gen. Gaani, Moorgan ayaa kula dhaqmey gacan debecsan marka loo barbardhigo taliyihii ka horeeyey taas oo ay ugu yeeran naaneystii ahayd “kani waa Mooge”, mudadii uu ahaa Taliyaha Ciidanka qaybta 26aad ee gobolada Waqooyi ayaa Jamhadii SNM ay dagaal ay ku khasbanaayeen ku soo galeen magaalooyinka Burco iyo Hargeysa. Dadka deggan gobolada waqooyi gaar ahaan beelaha Isaaqu waxay sheegaan in xiligii Moorgan loo geystey xasuuq. Gen. Moorgan oo marar kala duwan la weydiiyey ayaa sheegay in uu ahaa taliye ciidan oo Dowlad ka tirsan, iyaguna ay ahaayeen jamhad hubeysan oo weerar ku soo qaadey  Dowladdii markaas jirtey, aanu jirin xasuuq uu geystey.

Burburkii Dowalddii Kacaanka 1991

Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose waxay ahayd magaaladii ay u soo qaxeen inta badan dadka beesha Daarood ee ku noolaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kadib markii Malayshiyaadkii jamhaddii USC ay dagaalkii u rogeen mid qabiil ah oo isir lagu beegsanayo ama la doonayo in lagu cirib tiro. Gen Moorgan iyo ciidamo badan oo u hoggaaminaayo waxay kamid ahaayeen dadkii Kismaayo u qaxay. Gen. Maxamed Siciid Xirsi ma yeelin si lamid ah madaxdii hore ee dalka ka talineysey ee qaarkood u baxsadeen dalal shisheeye gaar ahaan dalka Kenya iyo kuwo carbeed, waxaana uu isku dayey in uu hoggaamiyo Malayshiyaadkii beelaha Daarood kuwaas oo ku dagaalamayey magacyo jamhadeed.

Gen. Moorgan xiligaas waxaa lagu eedeyn jirey in u ahaa dagaal ooge, laakiin marka la eego xaaladda dalka ka taagneyd oo ahayd jamhad qabiil u abaabulan oo weerar ku ah dad shacab ah, iyo dhul aysan deegaan ahaan ka soo jeedin, shaqadii Gen. Moorgan qabtey ee ahayd difaaca dadkaas waxaa in badan oo kale aaminsan yihiin in uu ahaa Halyeey difaacay sharafta iyo karaamadoodi, waxaana uu muddo ka talinaayey gobolka Jubada Hoose. Kismaayo waxaa markii danbe kala wareewgay isbahaysi ay samsyteen Jamahaddii USC/SNA iyo urur ka tirsanaa SNF oo uu hoggaaminaayey Barre Aadan Shire (Hiiraale) kuwaas oo la baxay isbahaysiga dooxada Jubba.

Shirkii Eldoret/Impighati

Sanadihii 2002-2004 waxa uu kamid ahaa ergooyinkii ka qaybgalay shirkii dib u heshisiinta ee lagu soo dhisey Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka dhacay dalka Kenya, Morgan kama mid noqon sida hoggaamiye kooxeedyadii kale kuwii galay baarlamaanka ee noqdey Xildhibaanada lama garanayo sababta ama Horseed uma suurta gelin in ay ogaado sababta looga reebay in uu kamid noqdo baarlamaankii lagu dhisay Kenya 2004, tan iyo markaasna siyaasadda banaanka ayuu ka joogay inkasta oo la taliye u ahaa qaar kamid ah Madaxweynayaashii dalka soo marey.

Tartankiisi Aqalka Sare

Sanadkii 2016 waxa uu u ordey in uu kamid noqdo Aqalka sare ee Soomaaliya oo markii u horeysey la sameeyey, waxaana Aqalka sare uu ka kooban yahay 54 Xildhibaan oo Dowlad goboleedyada metalaya. Waxaa labada musharax ee Bootaan Barre iyo Maxamed Siciid Xirsi kala saarayey Baarlamaanka Puntland, waxaana Bootaan Barre Samanter ku guuleystey 38 cod, halka Moorgan ka helay 27 cod oo keliya.

Musharax Puntland 2019

Bishii Abril 2018 Gen. Maxamed Siciid Xirsi waxa uu ka soo degay magaalada Boosaaso, waxaana uu si rasmi ah ugu dhawaaqey in uu u tartamayo xika Madaxweynaha Puntland. Gen Moorgan ayaa kadib booqasho ku marey ilaa magaalada Gaalkacyo, waxaana uu deeq lacageed oo ballanqaad ah u fidiyey, jaamacad aan weli la dhisin degmada Qardho, Garoonka Mire Awaare ee Garoowe, Jaamacada PSU ee Garoowe, sidaas oo kale ayuu ka sameeyey magaalada Gaalkacyo, taas oo loo arkey in ay qayb ka tahay ololihiisa doorashada.

Marka la eego guuldaradii doorashadii Aqalka Sare 2016, iyada oo la aaminsan yahay inbadan oo kamid ah Xildhibaanada Puntland mar kale dib u soo noqonayaan ayaa la is weydiinayaa fursadda uu heli karo Gen. Moorgan haddii uu ka dhabeyo musharaxnimadiisa isla markaana ka qaybgalo tartanka, maadaama Xildhibaanadu ay Jeneraalka ka hor istaageen in uu Aqalka sare Puntland u metelo, iyada oo ay ku jiran Xildhibaano isaga lamid ah oo dagaaladii sagaashamaadkii ka soo qaybgalay.

Dadka qaarkood ee arrimahan ka faalooda ayaa Horseed u sheegay in Moorgan musharaxnmadiisu ay daaran tahay in uu doonaayo in uu u soo wareego Puntland kana qaby-qaato siyaasadda Punltland, xitaa haddii uu ku guuldaraysto tartanka Madaxweynaha Puntland.

Horseed Media Team