Arag Sawirro: Koox dhac ka geysaneysay Muqdisho oo si fool xun loo toogtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Amaanka ee Dowlada Soomaaliya ayaa saakay gacanta ku dhigay koox hubeysan oo dhac ka geysaneysay gudaha suuqa Bakaraha ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay kooxdan oo gaareysa laba, waxaana baxsaday hal ruux oo ku dhex dhuuntay dadka shacabka ah.

Kooxdan ayaa lagu qabtay wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha, xilli halkaasi ay dhac ka gaysteen, kadibna ay isku dayeen inay ku baxsadaan Mooto Bajaaj ay wateen.

Ciidamada Booliska oo isku dayay inay qabtaan raggasi ayaa waxa ay sameeyeen iska caabin, waxaana sidaasi lagu dhaawacay mid ka mid ah ragii burcadda ahaa.

Weli Saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliya kama Hadlin kooxda dhac ka geysanaysay ee saakay lagu qabtay  Suuqa Bakaaraha.

Ciidamo Boolis ah ayaa dhawaan la geeyay Suuqa Bakaaraha ee Magaalaad Muqdisho, iyagoona ka hortagaya kooxaha dhaca ka geysanaya Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.