Wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka oo kulan la qaatay safiirka China

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Cabdillahi Bidhan Warsame ayaa shalay kulan la qaatay safiirka Dowladda China u fadhiya Soomaaliya Qin Jian.

Kulanka oo ka dhacay saafaradda China ee dalka ayaa ahaa mid mira dhal ah oo ay dowladda China ku ballanqaaday kala shaqeynta wasaaradda Kalluumeysiga ee Soomaaliya arrimo badan oo ay ka mid yihiin; Suuq geynta kalluunka Soomaaliya, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha, keenidda finijeerro qaboojiyeyaal ah iyo waliba dhisidda machad lagu daraaseeyo wax soo saarka kalluunka iyo kheyraadka badda ee dalka.

Sidoo kale Wasiir Abdillahi Bidhan Warsame waxa uu booqan doonaa dhawaan dalka China iyada oo uu ujeedku yahay sidii hore looga sii anbaqaadi lahaa heshiisyadii labada dowladood kala saxiixdeen markii uu Madaxweyne mohamed Abdullahi Maxamed booqday China