DF waxaa waajib ku ah inay gobolka Sool ka xoreyso Somaliland iyo Puntland

Laascaanood (Caasimada Online) – Maalin kaliya waxaa gobolka Sool lagu qubay dhiiggooda dad kor u dhaafaya 100 taas oo argagax ku ridday dhammaan umadda Soomaaliyeed.

Inta badan bulshada ku dhaqan deegaankaas iyo Soomaali dhammaanteen waxa ay la’yihiin meel ay u saaraan masiibada ku habsatay dadkaas Soomaaliyeed ee mar walba ku le’da qaababka kala duwan.

XASUUQA SOMALILAND

Bulshada Soomaaliyeed eek u nool gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ma helin maamul ka fekera danahooda iyaga oo dhexda u galay Puntland oo ay iyagu wax ka dhisteen iyo Somaliland oo ay isku diideen gooni isutaagga.

Qadiyadda ay ka soo horjeesteen ah in aan Soomaaliya la kala goyn waxa ay ku muteysteen dil iyo dhac ay isugu dartay maamulka Somaliland iyada oo la xasuusto in shacabka rayyidka ah ee Buuhoodle beebe lagu jiirsiiyey booqlal iyaga oo ah.

Ilaa iyo hadda, Somaliland kama deyn bulshada Soomaaliyeed ee gobolladaas iyga oo ujeedada ugu weyn ee ay kula dagaalamayaan tahay maxaad ku ugu hanqal taageysaan midnimada Soomaaliya.

Waxa ay ku dhex dhintaan dagaalada Puntland iyo Somaliland

Labada maamul ee dhinacyada ka xiga bulshada gobolada Sool, Sanaag iyo Cay nee midnimada jecel waxa ay kala kulmeen dhibaato isugu jira dilal, dhaawac iyo waliba barakac baahsan.

Xisaab ma leh inta jeer ee ay ku dul dagaalameen labadaas maamul, dagaaladaas waxa ay ku rebeen umadda halkaas dadka cawaaqib xumo oo ay ugu dambeysaa boqolaalka kun eek u barakacay dagaaladdii Tukaraq.

Kaalinta ay ku leedaahay dowladda dhexe dhibaatada haysata bulshada Sool, Sanaag iyo Cayn

Dowladda dhexe ee Soomaaliya waxa ay kaalin weyn ku leedahay mushaakilaadka noocyada badan ee haysata bulshada midnimo jaceylka maalin walba loogu laayo.

Dowladdii Shiekh Shariif Shiekh Axmed, waxa ay ku dhiiratay in ay aqoosato maamulkii Khaatumo ee ay dhisteen bulshada deegaanadaas, hase ahaatee, waxaa is hortaagay Gaas oo xilligaas ahaa Raisul Wasaarihiisa isaga oo ka eegayey danaha maamulka Puntland ee uu ka soo jeedo.

Dowladdii Xassan Shikeh wey uga sii dartay iyada oo xubnihii ay golaha shacabka ku lahaayeen u diiday in ay si xor ah oo madax bannaan u soo doortay, waxaa lagu soo doortay Garowe, ogow, waxaa hadda ka maqan xubin Aqalka Sare ah oo ay xaq u lahaayeen taas oo ku dhex luntay sad bursiga Somaliland iyo Puntland.

Dowladda ay Madaxda ka yihiin Farmaajo iyo Kheyre?

Xukumadda hadda jirta wali ma qaadin tallaabo u muuqata mid shacabkaas looga dulqaadayo masiibada ku habsatay, hase ahaatee, uma muuqdaan kuwo u dhaami doona kuwii ka horreeyey.

Hadaba, Maxaa la gudboon dowladda Federal-ka ah?

Dowladda Federal-ka ah waxaa uu waajib ka saaran yahay Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ay ka midka yihiin gobolladaas dhibaatadu dariska la ahaa sanadaha badan.

Haddii ay ka go’an tahay in ay ka badbaadiso shacabkaas marna lagu dul dagaalamayo,mar iyagii la isku dirayo,marna si bareer ah loo gumaadayo, waxaa la gudboon in ay raadiso xalka ugu habboon ee lagu samatabixin karo dadkaas sida; in ay aqoonsato maamulka ay dhistaan, xuquuqda ay leeyihiin goboladdaas ee deeqahaa ay si toos ah dadka iyaga metala ugu dhiibto iyo in ay u madax banneyso soo xulashada xubnahooda dowladda iyo waliba ugu dambeyn, haddii Somaliland iyo Puntland ku sii wadaan dhibaatada ay ku hayyaan in ay u dirto ciidamo ka xorreeya haddii ay ahaan lahaayeen Soomaali ama AMISOM.

Intaa haddii laga waayo, Federal-ka waxa uu qeyb ka sii ahaan doonaa dhibaatada raggaadisay bulshadaas Soomaalinimada jecel.

Caasimada Online
Xafiiska Laascaanood
Caasimada@live.com