Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, Cali Xoosh ayaa saacado kadib kusoo biiray is-weerarka u dhexeeya Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Juxa, taasoo salka ku haysay baasaboorka Soomaaliga.
Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in baasaboorka uu wasiirka Puntland caayay uu leeyahay fiicnaan, isagoo Juxa ku dhaliilay sida uu ugu dhiirran yahay sumcad-dilka baasaboorka dalka, oo aysan keliya lahayn dowladda dhexe.
“Waxaan maqli jiray: ‘Facaa foolxumadana waa kugu caayaa, fiicnaantana kuuma oggola.’ Baasaboorkeenii foolxumadiina ma lagu caayay, fiicnaantiina ma loo diiday? Aduun faallo dambe buu leeyahay,” ayuu yiri Cali Xoosh oo u jawaabay Juxa.
Haddaba, sidee ku bilaabatay xiisadda is-weerarka?
Weerarka Wasiirrada Xukuumadda Federaalka iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ayaa ka bilaabtay falcelin yaab leh oo Juxa uu ka bixiyay go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee qasab ka dhigaya in qofka baasaboorka dalbanaya uu haysto kaarka aqoonsiga NIRA, halka sidoo kale laga rabo dadka u kala safra gobollada dalka wixii ka dambeeya Janaayo 2026.
Juxa ayaa sheegay in baasaboorka Soomaaliya uu marayo meeshii ugu liidatay sumcad ahaan, taasoo uu ku eedeeyay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh in ay sabab u tahay.
Juxa ayaa yiri: “Baasaboorkii ugu liitay adduunka xagga socdaalka ayaa dadkiisa ciqaab iyo shar looga dhigay. Marka taladu gacan qura iyo meel qura gasho, waxay noqotaa shar ummadeed.”
Fiqi oo si weyn uga carooday hadalka Juxa, ayaa dhinaciisa maamulka Puntland ku tilmaamay “shufto”, isagoo mas’uuliyadda sumcad-xumada baasaboorka dusha uga tuuray ficillada qaldan ee hoggaanka Puntland.
“Waddan aad maraakiibtii badda maraysay ee si sharciga ah u socotay aad afduubanayso, weliba si xishood darro ah aad ku leedahay waa ‘qaniimo’, miyaa baasaboorkiisa dadaal kasta oo lagu bixiyo lagu hagaajin karaa ama kor loogu qaadi karaa!? Hashu ayadaa cunta oo caytamaysana!” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Ma aha markii ugu horreysay ee mas’uul ka tirsan dowladda federaalka iyo mid kale oo ka tirsan Puntland ay xiisad ka dhex dhalato, ayna isugu jawaabaan baraha bulshada. Haddana, waxaa ceeb iyo quus ah in mas’uul Soomaaliyeed uu ku tunto sumcadda baasaboorka dalkiisa.
Sanadihii dambe, siyaasadda ku dhisan aflagaado iyo is-weerar ayaa caan ka noqotay gudaha Soomaaliya, iyadoo aysan jirin xeerar ama anshax celinaya mas’uuliyiinta dowladda. Taas oo muujinaysa in madaxda sare ee dalka ay raalli ka yihiin, ama iyagu rabaan in dartood loo shaqsi caayo mas’uul kale oo ay is hayaan.