CALI YARE oo isla xiriiriyey toogashadii maanta la fuliyey iyo dilkii C/xakiin Dhagajuun

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Cali Yare Cale ayaa ka hadlay toogashadii saaka lagu fuliyey Axmed Cabdullahi Cabdi (Caydiid) oo bishii May ee 2017 dilay wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska xukumaddii ra’iisul wasaare Kheyre Allah ha u naxariistee Cabaas C/llaahi Sheekh Siraaji.

Cali Yare oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay inay xaq tahay toogashada lagu fuliyey ninkan oo aheyd qisaasta marxuum Cabaas.

Sidoo kale Cali Yare ayaa dalbaday in si deg deg ah iyaguna loo toogto raggii dilay guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Hodan, Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun.

“Waa xaq waana sharci in qofkii qof dila in loo qisaaso, sidoo kale waxaan rajeynayaa in iyadana si degdeg ah loo fuliyo qisaasta dilka bareerka ahaa ee loo geeystay walaalkeey Abdixakiin Dhagajuun” ayuu qoraalkiisa ku yiri guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir,.

Dhinaca kale Cali Yare Cali ayaa soo bandhigay su’aallo la xiriira kiiskan, kuwaas oo tilmaamay in haboon tahay in la’is weydiidyo, wuxuuna yiri  “Nin ka mid ah Koox aan saakay meel ka wada quraacannay ayaa na waydiiyay labo su’aalood oo kala ahaa;

Maxaa dhici lahaa haddii saakay dilkaan la fuliyo iyada oo Farmaajo Madaxweyne yahay?

Xilligan maxay qori lahaayeen imisa Idaacad ayay ka hadli lahaayeen Abdirahman Abdishakur, Mahad Mohamed Salad, Saabir Shuuriye, Abshir Bukhaari, Ahmed Fiqi iyo ragga la midka ah?”

Kiiskan ayaa soo jiitamayey muddo ka badan 5 sano, waxaana guul dareystay dadaalo ay waday beesha uu kasoo jeedo askariga saaka la toogtay oo dooneysay in si hoose xal looga gaaro kiiskan balse waxaa arrintaas ku gacan seeray oo ka horyimid ehelada wasiir Cabaas.