Erdogan oo sheegay hadal carruurta ku saabsan oo aad looga carooday (Warbixin)

Ankara (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhaleecayn ba’an kala kulmaya baraha bulshada, taasi oo ka dhalatay talo uu u jeediyay nin la yiraahdo Mehmet Ali oo kusoo biiray xisbiga uu hoggaamiyo AKP.

Mehmet Ali Celebi ayaa dhawaan iska casilay xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga ee Jamhuuriga, wuxuuna ku biiray Xisbiga Cadaalada iyo Horumarinta ee Erdogan horaantii bishaan, waxaana Arbacadii si rasmi ah loogu soo dhaweeyay munsaabad uu qabtay xisbiga.

Mehmet ayaa xaaskiisa la yimid munaasabadda xisbiga ee lagu soo dhaweynayay. Erdogan ayaa Mehmet waydiiyay imisa caruur ah oo uu dhalay? Isaga oo ka jawaabaya, ayuu u sheegay inuu haysto hal canug.

Kadib markii uu maqlay jawaabta, Erdogan wuxuu u sheegay xaaska Mehmet in ay tahay in carruur badan la helo. Mehmet waxa uu sheegay in xaaskiisa ay dhigato PhD, ayna muhiim u tahay xirfaddeeda.

Erdogan ayaa yiri, “Waa sax laakiin sidoo kale waa muhiim in la kordhiyo tirada carruurta, waxaan rajeyneynaa inay taasi fahantay, bal eeg, xubnaha xisbiga shaqaalaha ee Kurdiyiinta waxay dhalaan 5, 10 ilaa iyo 15 caruur ah.”

Madaxweyne Erdogan laftiisu waa aabbe dhalay afar carruur ah. Mehmet Cali Celebi, oo 38 jir ah, waa xildhibaan, waxaana uu la soo shaqeeyay ciidammada. Sidoo kale waa duuliye diyaaradeed.

Hayaankiisii siyaasadeed wuxuu ahaa mid siyaasad ahaa aad isu beddela. Sannadkii 2018, waxa uu noqday xildhibaan ka tirsan xisbiga Jamhuuriga. Sannadkii 2021, waxa uu ka baxay xisbiga Jamhuuriga  waxa uuna ku biiray xisbiga Waddani. Intaa ka dib, waxaa bishii February ee sannadkii hore loo doortay xildhibaan madaxbannaan.

Sannadkii 2008-dii ayaa lagu soo oogay dacwad musuq-maasuq, waxaana lagu xukumay 41 bilood oo xabsi ah. Sannadkii 2014-kii ayaa lagu sii daayay xabsiga.

Muuqaal laga duubay wadasheekeysiga dhexmaray Erdogan, Mehmet iyo xaaskiisa ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada.

Dhowr hoggaamiye oo mucaarad ah ayaa si kulul u weeraray Erdogan waxayna ku tilmaameen hadalkiisa mid cunsurinima ah. Meral Danish Bestas, oo ah xildhibaan ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Turkiga ee taageera Kurdiyiinta, ayaa cambaareeyay hadalka Erdoan.

“Erdogan si fiican ayuu ula socdaa in xubnaha xisbiga shaqaalaha Kurdishka aysan dhalin carruur badan. Erdogan waxa uu u arkaa in carruur badan ay dhalaann xisbiga shaqaalaha Kurdishka fal argagixisanimo, hadalka Erdogan waa mid ka dhan ah Kurdiyiinta oo midab takoor ah.”

Xisbiga ra’iisul wasaarihii hore ee Turkiga Axmed Davutoglu ayaa sidoo kale dhaleeceeyay hadalka Erdogan.

Xisbiga Shaqaalaha Kurdiyiinta ayaa muddo dheer dalka Turkiga ka waday dhaqdhaqaaq uu ku raadinayo xuquuqdiisa. Xukuumadda Erdogan ayaa ku tilmaantay xisbigan inuu yahay urur argagixiso. Axmed Dawatogalu waxa uu ka tagay xisbiga Erdogan, waxaanu samaystay xisbi u gaar ah sanadkii 2019-kii.

“Hadaladaadu waxa ay meel ka dhac ku yihiin haweenka iyo xuquuqul insaanka, ilmo kasta oo dhasha waa muwaadin ixtiraam leh oo dalkan u dhashay, Erdogan waxa uu xitaa takoor ka abuurayaa carruurta dhexdooda,” ayuu yiri Axmed Dawatogalu. Erdogan wuxuu horay u daliishaday in Islaamka uu ogalyahay caruur badan.

Mar uu khudbad ka jeediyay Istanbul 2016, Erdoan wuxuu yiri, “Haweenka waxaa mas’uuliyad ka saaran in ay ilaaliyaan caafimaadka dadka Turkiga, waxaan u baahanahay inaan kordhinno tirada faracankeena, dadku waxay ka hadlaan dhimista tirada dadka iyo qorsheynta qoyska laakiin qoyska Muslimka ah ma aqbali karo taas, tani waa wixii Allah iyo Nebigeenu inoo sheegeen, dariiqanna waanu raacaynaa”.

Xigasho: BBC