Cali Yare oo ka dalbaday General Zakiya inay Magdhow siiso Macallin Shuceyb

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Mudane Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay dhacdo ku aadan fal kufsi ah oo maalmo ka hor lagu soo eedeeyay Macallin Shuceyb Cabdi Maxamuud, balse ma dambe been abuur noqday.

Sheekadan ayaa ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, waxaana markii ugu horreysay shaacisay taliye ku xigeenka Booliska, General Zakiya Xuseen Axmed oo iyadu barteeda Fecebook-ga ku sheegtay in lasoo xiray Macallinka oo lagu eedeeyay kufsiga 3 gabdhood.

Intaas kadib ayaa waxaa kiiskan la wareegtay Maxkamadda gobolka Gaduud oo dambi ku weysay Macallin Shuceyb, waxaana kadib la sii wareystay Waalidiinta gabdhaha la sheegay in la kufsaday oo iyagu beeniyay falkaasI kusfigaah, waxayna sheegeen in la been abuuray.

Cali Yare oo arrintaan soo fara-geliyey ayaa shaaca ka qaaday inay ka dambeeyaan gacmo shisheeye, si loo suurad xumeeyo sharafka Macallimiinta Dugsiyada Qur’aanka Kariimka.

Sidoo kale wuxuu kula taliyay Macallinka laga been abuurtay in uu kiiskiisa ka furo gal dacwadeed, maadaama sharaf dil lagu sameeyay.

“Hadda kubaddu waxay gacantiisa ku jiraa Macalin Shuceyb, waxaanan kula talinayaa inuu gal dacwo maxkamadda ka furto oo uu Booliska ka dalbado magdhow sharaf-dilkii lagu sameeyay u dhigma,” ayuu warka qoraalka ah ee uu soo saaray ku yiri Cali Yare Cali.

Dhinaca kale wuxuu farriin u diray Generaal Zakiya, isaga oo ka dalbaday in marka hore ay boggeeda ka saarto qoraalka Macallinka, kadibna ay siiso magdhow iyo raalli-gelin buuxda.

“Walaasheey Taliye Zakiya oo aan ku aqaan qof aqoon duqruqsan u leh xuquuqda insaanka, haddii uu ka dhacay qalad sidaas u culus waxaa la gudboon ugu horreyn ineey qoraalka weli boggeeda ku jira ka saarto, raaligelin iyo magdhowna siiso macalinka,” ayuu raaciyay.

Arrintan ayaa waxa ay dhalisay hadal heyn xoogan, waxaana inta badan dadka falceliyay ee dhaleeceen u jeediyeen Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.