Cali Yare oo qoraal dheer uga hadlay kursiga loo diiday ee loo xiray Mahad Salaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka amniga gobolka Banaadir Cali Yare ayaa qoraal dheer, oo uu xalay soo dhigay facebook, uga hadlay kursiga HOP#147 ee shalay loo xiray xildhibaan Mahad Salaad, oo la filayo in maanta la doorto.

Cali Yare oo u sharaxnaa kursigan ayaa loo diiday inuu ka dhoofo Muqdisho, taasi oo bahdil weyn ku noqotay xilli uu ka mid ahaa ragga sida aadka ah ugu taageerada waalan madaxweyne Farmaajo.

Hoos ka aqriso qoraalka Cali Yare

Waxaan Hambalyo horudhac ah u dirayaa walaalkeey Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo la siiyay kuna matali doona kursiga ka dhexeeya Beelaha Bah-Ina Xasan ee #Hop147. 

Xildhibaanka Waxaan ugu hambalyeey Telefanka maadama aanan Dhuusamareeb tagin oo aan ahaa qofka kali ah ee uu  Madaxweynaha Galmudug ka hor istaagay safarka iyo Tartanka intaba.

Sida aan Xildhibaanka ugu ballanqaaday telefanka waxaan u garab istaagi doonaa si buuxda oo walaalnimo leh, waxaanan ula shaqeyn doonaa sidii aan aniguba jeclaan lahaa inuu iila shaqeeyo haddii aan kursiga ku soo bixi lahaa.

Waxaan u Mahadcelinayaa qeybihii kala duwanaa ee Bulshada ee sida hagar la’aanta ah ii garab joogay muddadii uu damaca kursigu igu jiray. 

Aniga oo fursadaan ka faa’iideysanaya waxaan Beelaha kursiga wada leh ugu baaqayaa Iscafin, midnimo, walaalnimo iyo in la iska iloobo wixii dadka walaalaha kala gaaray muddadii ololaha kursiga lagu guda jiray. 

Markastana waxaan xoojinayaa doodda ah in la kala saaro Xildhibaanka la doortay iyo gefka, ku takri-fal awoodeed iyo ihaanada uu Axmed Qoorqoor u geeystay Beelaha kursiga wada lahaa oo aan Xildhibaanka la saarin eed shaqsi kale.

Waxaan Qorsheynayaa inaan Muqdisho dhigo gogol nabadeed iyo wadahadal dhexmarta dhammaan musharixiintii kursiga ku wada hamiyay si la isku cafiyo loogana wada shaqeeyo midnimada Beesha iyo Dowladnimada – markii wadahadalkaasi noo soo  dhamaado waxaan marti gelin doonaa Xaflad damaashaad ah oo lagu soo dhaweynayo Xildhibaanka la doortay dadka kale ee Soomaaliyeed ee walaalaheen ahnna aan ugu muujin doonno in Midnimadeenna, wadajirkeenna iyo walaaltinnimaddeennu ay ka weyntahay kursi muddo kooban jiraya.