Cameey oo weerar culus ku qaaday golaha madax goboleedyada Somalia

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/Xakiin Cabdullaahi Xaaji Cameey ayaa weeraray markale golaha iskaashiga dowlad goboleedyada oo uu ku tilmaamay inay haraadi yihiin.

Mr Cameey, ayaa ku eedeeyay dowlad goboleedyada inaysan dooneyn in horumar laga sameeyo Soomaaliya, sida uu sheegayna ay hortaagan yihiin inta ka hartay golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.

Kadib Heshiiskii dhexmaray dowladda iyo maamulada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed wuxuu sheegay inay sii dhamanayaan xubnaha ku haray golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

“Qolooyinkaan waxaa iminka oran karaa Haraadiga, Waare iyo SHariifka wey ka baxeen, Haraadiga waxaan ogahay inaysan dooneyn in horumar la gaaro, anigu waxaan qabaa in fakar wanaagsan ay la yimaadaan, wax kale ayay doonayaan waxay doonayaana lama yaqaan”ayuu yiri Cameey.

Wuxuu Cameey sheegay in seddexda madaxweyne ee kusoo haray golaha iskaashiga inay dhawaan iyagana meesha ka bixi doonaan, maadaama doorasho ay kusoo wajahan tahay Puntland iyo Jubbaland.

Golaha oo ay ku hareen maamulada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug waxaa guddoomiye ka ah madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
Caasimada@live.com