Canaanta Farmaajo ee Taliyayaasha Hay’adaha amaanka oo 3 arrin loo sababeeyay (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxweynaha Jamhuuriyada FS Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo” ayaa kullan khaas ah la qaatay Taliyayaasha Hay’adaha amaanka sida Nabad sugidda, Booliska iyo Millitariga.

Madaxweynaha Qaranka ayaa Taliyayaasha ku cadaadiyay inay is casilaan ama ay gutaan waajibaadka saaran waxa uuna ka dalbaday Taliyaha Militeriga inuu cadeeyo dilkii shalay Askari Militeri ah uu u geystay nin shacab ah oo watay gaari raaxo kaa oo maraayay Laami yaraha Zoobe ee Muqdisho.

Ujeedka Madaxweynaha ee kullanka ayaa lagu sheegay 3 qodob oo kala ah:

1- In Taliyayaasha Hay’adaha amaanka uu dareensiinaayo inuu la socdo xaalada amni ee magaalada Muqdisho.

2- Inuu jiri doono isla xisaabtan joogta ah oo ku aadan falalka amni darro sida Qaraxyada iyo Dilalka, taa oo aan horay looga baran Dowladihii hore ee ka horeeyay Farmaajo.

3- In Taliyayaasha la dareensiiyo misna waxlaga baro xilka ay hayaan iyo waxa uu shaqadooda yahay, waxaana horay u jiray in Taliyayaasha qaar ay ku caweynayaan Hoteelada iyadoo uu qasan yahay amniga magaalada Muqdisho.

Kullanka maanta dhexmaray Madaxweynaha iyo Taliyayaasha ayaa noqonaaya kii Seddexaad oo dhaca tan iyo markii la ansixiyay Ra’isul wasaaraha waxaana la xaqiijiyay in kulamadii dhacay uu ahaa mid u dhexeeyay muddo laba maalin ah.

Waxaa xusid mudan in Madaxweynuhu uu Taliyayaasha ku amray in Askarigii dil geystaa durba loo gudbiyo Maxkamadaha khuseeya si aan loo dib dhigin fal danbiyeedka uu geystay isla markaana loo waafajiyo sharciga.

Dhinaca kale, Ciidamada Millatariga ah ayaa inta badan marka ay marayaan wadooyinka waa weyn ee Muqdisho u socda si mas’uuliyad daro ah, taasi oo sababta in ay si cad u jiiraan ama u toogtaan dadka shacabka ah ee wadada hareeraheeda maraya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com