Tallaabadii Farmaajo ee maanta oo muujisay sida uu shacabka Muqdisho uga damqado

Muqdisho (caasimada Online) – Madaxweyaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta qaaday tallaabo aad ay ugu farxeyn shacabka Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa isugu yeeray saraakiisha Ciidamada Dowladda isagoo ku amray inay si deg deg ah usoo qabtaan askari ka tirsanaa ciidamada Militariga Soomaaliyeed oo shalay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ku dilay qof shacab ahaa.

Askarigaan ayaa rasaas ku furay marxuumkaas oo saarnaa gaari waxaana loo qaaday isbitaal balse nadiib daro daqiiqado kadib waa uu geeriyooday.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa arrintaas ka danqaday wuxuuna shacabka Muqdisho u muujiyey dareen murugo ah waxayna saraakiisha ciidamada Dowladda ee amarkaas la siiyey bilaabeyn inay soo qabtaan askarigaa.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Gen. Maxamed Aadan Axmed ayaa shaaciyay in gacanta lagu dhigay askarigii uu madaxweyne Farmaajo amray in lasoo qabto mar uu saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa saxaafadda u sheegay hadalkaan: “ waxaan madaxweynaha u xaqiijinayaa in gacanta lagu soo dhigay askarigii uu amray in lasoo qabto, sidoo kalana waxaan heynaa askar kale oo magaalada ka geystay xad gudubyo, dhammaantoodna waxaana idiin xaqiijinayaa in lasoo hor istaajin doono sharciga sida ugu dhaqsiyaha badan”

Amarka uu bixiyey Farmaajo iyo sida ay Saraakiisha ciidamada uga jawaabeyn ayaa kuu muujineyso inay dowladda cusub diyaar u tahay inay ka shaqeyso horumarka shacabkeeda sidoo kalana ay diidan tahay inaan wax dhibaato ah loo geysan.

Shacabka Muqdisho ayaa caawa isugu hambalyeenayo tallaabada uu madaxweynaha qaaday waxaadna arkeysaa arrintaan oo looga hadlayo meel kasta haddii ay ahaan laheyd meelaha ganacsiga iyo goobaha lagu shaaho.

Guusha uu gaaray Farmaajo ayaa la filayaa inay ka saacido sii shaqeynta dowladiisa sidoo kalana wuxuu heli doonaa taageero intii uu heystay ka badan wuxuuna maanta muujiyey geesnimo ay yar tahay in la muujiyo.

Halkaan hoose ka aqriso waxyaabaha uu madaxweynaha Soomaaliya ka yiraahday amarkii uu bixiyey iyo sida loogu guuleystay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com