Farmaajo oo si adag uga hadlay Go’aanka xayiraadda ee Donald Trump

Muqdisho (Caasimada Online )-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa goordhow ka hadlay xayiraadda Donald Trump uu saaray 6 dal oo Muslimiin ah.

Farmaajo, ayaa sheegay inuu Cambaareynaayo go’aankaasi waxa uuna tilmaamay in 150 kun qof oo Somali ah inay gacan ka geysteen dhaqaalaha Mareykanka.

Waxa uu sheegay inaysan muhiin aheyn in lagu tacadiyo dalal gaar ah, waxa uuna carabka ku adkeeyay in Dowladiisu ay aad uga xun tahay go’aanka xayiraada ee uu qaatay Trump.

Qoraal gaaban oo ay daabacday Wakaaladda wararka ee AP oo xiganeysa Madaxweynaha, ayaa waxaa lagu sheegay in Farmaajo uu ku dadaali doono sida Somalia looga saari lahaa Liiska 6 dal.

Isagoo ka hadlaayay arrintaani ayaa waxa uu yiri “Waxaa mudan inaan ka hadalno waxtarka dadkeena Soomaalida ah ay ku leeyihiin Mareykanka, halkii aan ka hadli lahayn dhowr qof oo dhibaato sababay”

”Micno ma keeneyso in dhowr qof dartooda loo cadibo kumanaan qof waxaan ku dadaaleynaa xal u raadinta saameynta uu go’aankaasi ku yeelanaayo dadkeena”

Haddalkani ayaa imaanaya xili Madaxweynaha Mareykanka Trump uu mar kale ku celiyay in xayiraada la saaro dalalka 6 ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com