Toronto (Caasimada Online) – Dowladda Canada ayaa iyadoo isku dayaysa inay xaliso qaxootiga kummanaanka ah ee kaga soo qulqulaya dhinaca dowladda ay deriska yihiin ee Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay inay si kumeel gaar ah garoon ciyaaraha Olombikada ah oo ay leeyihiin ay u bedeleen xero dadka magangalyo doonka ah la dejiyo.
Illaa 4,300 magangalyo doon ah ayaa soo gaaray Canada sanadkan iyadoo kala bar dadkaasina ay yimaadeen bishii July, waxaana intooda badan ay ka soo carareen go’aannada ad adag ee Madaxweyne Donald Trump.
90% dadka iska soo dhiibaya Canada ayaa waxay ka soo jeedaan Haiti kuwaas oo si kumeel gaar ah ku joogay Mareykanka tan iyo markii uu dhul gariir ku dhuftay dalkooda sanadkii 2010, waxaana kaddib loo cusbooneysiin waayay dal ku galkii ay ku joogeen dhulka Mareykanka.
Qaxootiga iska soo dhiibaya Canada ayaa waxay marka hore yimaadaan Quebec, halkaas oo markii ay xajin weysay kummanaankan qaxootiga ah waxa ay dowladdu go’aamisay in bal si kumeel gaar ah loogu furo garoonka Montreal Olympic Stadium ee la dhisay sanadkii 1976-kii.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com