Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Qadar ayaa shaaca ka qaaday inay bedeleyso sharciyada dal ku jooga Ajaaniibta ku nool magaalada Doha iyo dhammaan Gobolada uu ka kooban yahay dalka.
Dowlada Qadar ayaa sheegtay inay go’aan ku gaartay in sharciyo degenaansho iyo xaquuq dheeraad ah siiso Ajaanibta dalkeeda ku nool, iyadoo laga guuraayo sharciyadii hore.
Qadar waxa ay tilmaantay in sharciyada cusub ee loo sameynaayo Ajaaniibta iyo xuquuqda ay yeelan doonaan ay si weyn uga duwanaan doonto sharciyada u degsan wadamada Khaliijka.
Qadar waxa ay sheegtay in sharciga cusub uu u ogolaanayo caruurta ay hooyadood tahay reer Qatar, abaahoodna yahay Ajnabi inay helaan xaquuq u dhiganta tan ay helaan muwaadiniinta dalkaasi u dhashay.
Waxa uu sharciga cusub sidoo kale sahlayaa in dadka ajaaniibta ah ay helaan caafimaad iyo waxbarasho lacag la’aan ah.
Sharciyada cusub ayaa sidoo kale dadka mudada fog ku noolaa dalka Qadar u sahlaaya inay helaan xuquuq dhanka sharciga ah, waxa ayna sidoo kale heli doonaan sharci dhigaaya in dalka ay ka dhex iibsan karaan guryo.
Waxa ay sidoo kale furan karaan ganacsiga iyagoo aan u baahneyn wax kafiil ama qof ka mas’uul ah oo muwaadin reer Qatar ah.
Dadka ku nool Dalka Qadar ayaa waxaa tirro ahaan lagu khiyaasaa 2.4 milyan oo qof, waxaana xusid mudan 85% ay yihiin Ajaaniib ku dhalatay ama deegaan ku ahaa Qadar.
Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa laba maalin ka hor Ansixiyay sharciga dadka u ogolaanaya degenaanshaha dheeraadka ah la siinayo inay kamid noqdaan ciidamada dalka Qatar iyo waliba shaqooyinka kale ee dowlada.
Si kastaba ha ahaatee, sharciyada cusub ee Qadar ayaa dhiiri galinaaya Ajaaniibta ku nool dalkaas oo iyagu u badan kuwo ku dhashay isla dalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

