24.3 C
Mogadishu
Thursday, January 22, 2026

Yaa kusoo baxay doorashadii adkeyd ee ka dhacday dalka Rwanda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii dalka Rwanda Paul Kagame ayaa la sheegay inuu ku Guuleystay doorashadii Madaxweyninimo ee dalkaas.

Guddiga doorashooyinka Rwanda ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Paul Kagame uu kusoo baxay doorashada isla markaana uu noqonaayo Madaxweyne guuleystay markii Seddexaad.

Guddiga doorashooyinka Rwanda, oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in Mr Paul Kagame uu helay codadka 98%, waxa uuna sidaa uga guuleystay musharaxiintii kale.

Waxa uu Paul Kagame talada dalka Rwanda hayay muddo lagu khiyaaso 17 sano, iyadoo lagu amaanay in dalka uu galiyay xaalad degnaanshiyo ah.

Sidoo kale, dadka taageera Paul Kagame ayaa magaalooyinka dalkaas ka dhigay dabaal-degyo ay ku taageerayaan guusha uu Paul Kagame ka gaaray doorashada.

Geesta kale, dhinacyada mucaaradka ayaa Paul Kagame ku eedeeya inuu dalka ku xukumay xaalad cabsi iyo cagajugleyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News