DEG DEG: Gudoomiyihii gobalka Gal-gaduud iyo walaalkiis oo caawa Muqdisho lagu dilay

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Allaha u naxaristee waxaa caawa Muqdisho lagu dilay gudoomiyihii gobalka Gal-Gaduud ee maamulka Gal-Mudug Maxamed Daahir Sheekh Cali Cilmi.

Rag hubeysan ayaa la sheegay iney rasaas la dhaceen caawa gaari uu saarnaa gudoomiyaha dhintay iyo walaalkiis, kooxda wax dishay ayaa la sheegay iney baxsadeen.

Goob joogayaal ayaa Caasimadda Online u sheegay inuu dilku ka dhacay xaafadda Carafaad ee dagmada Yaaqshiid, ilaa hada lama garanaayo ujeedada dilka iyo kooxdda ka dambeysay.

Marxuumka ayaa la sheegay in maalmihii lasoo dhafay uu ku sugnaa magaaladda Muqdisho, Sidoo kale walaalkiis Eng Xasan ayaa isna ku dhintay goobta.

Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka tacsiyeeyay geeridda ku timid gudoomiyihii gobalka Gal-gaduud Maxamed Daahir Sheekh Cali Cilmi.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.ccom