Canshuur kordhinta reer Muqdisho iyo inaad hor istaagto 10% gobolka Banaadir, Beyloow isma qabato

Dood xoogan ayaa ka taagan canshuur kordhin markii labaad lagu sameeyay ganacsatada wax soo dajisa ee reer Muqdisho, arintaan waxaa sameeyay wasiir maaliyadda ee Somalia C/raxmaan Beyle Ducaale, waa markii labaad ee lacag kordhin lagu sameeyo tan iyo markii la dhisay xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Ganacsatadu waxey qabaan dood xoogan oo ku aadan in 8 bilood gudahood 2 jeer la kordhiyo lacagaha laga qaado, waxey kaloo ka cabanayaan in aaney helin adeegyadii ay xaqa u lahaayeen markii ay canshuurta bixiyaan, taas waxaa dhaliisheeda leh wasaaradda maaliyadda ee Somalia.

Daqliga kasoo xarooda Dekadda Muqdisho, Garoonka Aadan Cade, iyo Ganacsiyadda ay lee yihiin Muqdishaawiyiinta ayaa laga bixiyaa 276 milyan oo ah miisaaniyadda Dowladda ee sanadkii, waxaa kaloo laga bixiyaa qidmadda la siiyo maamul goboleedyadda ee ah $150,000 (boqol iyo konton kun) bil kasta.

Si walbaba Muqdisho wali waa aamusan tahay, laakiin sida xogta lagu hayo wasiirka maaliyadda ee Somalia C/raxmaan Beyle ayaa 2 jeer ka hor yimid codsi uu maamulka gobalka Banaadir ku dalbaday in miisaaniyadda loo kordhiyo 10%, gobalka Banaadir hadda sanadkii wuxuu qaataa 15 milyan oo dollar.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed ayaa horey u sheegay in hadii loo korhiyo qoondada la siiyo in maamulkiisu uu kordhin doono Iskuuladda lacag la’aanta ah, inuu dhisi doono xarumo caafimaad oo bilaash ah oo laga hir galin doono 17-ka dagmo, inuu kordhin doono dab damisyadda, inuu shaqaale horleh u qori doono gobalka Banaadir iyo inuu labo jibaari doona dhismaha wadooyinka iyo goobaha qadiimiga ah ee gobalka Banaadir.

Hadda waxaa maamulka gobalka Banaadir u furan inuu ka hor yimaado in canshuurta lagu kordhiyo muwaadiniintiisa iyadoo uu wali wasiir Beyle hor taagan yahay lacagihii loogu adeegi lahaa dadka gobalka Banaadir.

Ma jirto wax ay ganacsatadda Muqdisho ku muteysateen in lagu qasbo in ay kordhiyaan biilka la siiyo goboladda kale iyo Dowladda dhexe badalkeedana ay bur bur iyo baahi ku jiraan caruurtooda, wasiir Beyle hadda waa inuu fahmaa kuwa uu rabo inuu lacagaha ka aruursado iyo kuwa uu u diidan yahay in wax loo kordhiyo iney hal qof yihiin sidaa darteedna ay muhiim tahay inuu la yimaado aragti kale.

Waxaa Qoray : Cabdulaahi Cismaan Faarax
raafac22@gmail.com