CANSHUUR oo naqdiyey weerarka ay DF Somalia ku qaaday dowladda Jabuuti

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan oo warbixin dheer soo saaray ayaa ku bidhaamiyey abaalka ballaaran ee ay dowladda Jabuuti u gashay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Wasiir Canshuur ayaa warbixintiisa ku soo bandhigay waxyaabaha ay Jabuuti u qabatay  Soomaaliya laga soo billaabo 1991-dii, kadib burburkii ku yimid dowladdii dhexe ee dalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kadib qaran-jabkii Soomaaliya ay dowladda iyo shacabka Jabuuti buuxiyeen kaalintii laga filayay ee garab istaagga.

“Tan iyo markii uu qaran-jabku nagu dhacay, Jabuuti waxay buuxisay kaalintii laga filayay iyo abaalkii aan u galnay,” ayuu yiri Wasiirkii hore ee wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta.

Waxa kale oo uu nasiib darro ku tilmaamay in dano doorasho darteed haatan loo ijaafeeyo walaalaha Soomaaliyeed ee reer Jabuuti.

Halkan hoose ka aqriso:-

Jabuuti waa Hiil-Walaal

Xukuumadda iyo shacabka Jabuuti waxay ahaayeen kuwo hiil iyo hooba la garabtaagnaa Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Jamhuuriyadda. Tan iyo markii uu qaranjabku nagu dhacay, Jabuuti waxay buuxisay kaalintii laga filayay iyo abaalkii aan u galnay:

  1. Sanadkii 1991 waxay qabatay shirarkii dib-u-heshiisiinta ee Jabuuti 1&2, laguna soo dhisay Dawlad KMG ah.
  2. Sanadkii 2000 waxay noo qabteen shirkii Carta ee dhidibada loogu taagay dawladnimada aan maanta haysanno.
  3. Sanadkii 2008 waxay marti geliyeen kulamadii dib-u-heshiisiinta ee Xukuumaddii KMG iyo Isbahaysigii Dib-u-Xoreynta, kolkaasoo lagu soo dhisay dowlad wadaag ah.
  4. Gobolka Hiiraan markii Shabab loo loogay Jabuuti waa tii wiilasheeda & gabdhaheeda usoo dirtay, kana qeyb qaadatay nabadgelyada iyo horumarka dhammaan magalooyinka gobolka Hiiraan. Reer Hiiraanna waxay ugu magac dareen Hiil- Walaal.
  5. Jabuuti waxay u istaagtay inay martigeliso ganacsatadeena, isla markaana u fududeysay sidii ay ku heli lahaayeen baasaboorro ay adduunka uga ganacsadaan, iyadoo ganacsatadaasi ay yihiin dadka halbowlaha u ah dhaqaalaha dalkeena.

Waxaa nasiibdarro ah dano gaaban oo doorashada ku siman in loo ijaafeeyo walaalaheen Jabuuti oo abaalkaas nagu leh, iyadoo dadka dagaalka ku haya Jabuuti aysan dalka ku sugneyn, kana warqabin xaalkiisa sanadahaas adag ee la soo maray.

Reer Jabuuti xil iyo xaal-marin naga guddooma haddaan nahay Soomaali. Yaan naloo qabanin in yar oo kursigu kala weyn yahay walaalnimada iyo abaalka la isku leeyahay.

Jabuuti waa Soomaali, Soomaalina waa Jabuuti.