Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya inuu adkaaday kulamadii u dhexeeyay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Somalia.
Sababta ay kulamada u adkaaden ayaa la sheegayaa in Madaxweyne Xassan kulan waliba la hordhigay su’aalo ku aadan dhismaha maamulka cusub ee lagu mideyn doono Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Kulamadii ugu danbeeyay ee Xassan Sheekh uu la qaatay Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Somalia, ayaa waxaa Xassan mar waliba lagu weydiinaayay heerka ay gaarsiisan tahay rajada dhismaha maamulkaasi, hayeeshee waxa ay su’aashaasi Xassan Sheekh ku noqotay mid uusan u helin Jawaabihii laga filaayay, kadib markii ay socon weysay in Beesha Caalamka uu ku mada’daaliyo macluumaad aan socosho laheyn.
Madaxweyne Xassan, ayaa iminka laga sugayaa in Jawaabo sugan uu Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Somalia ka siiyo sababta uu u socon la’ yahay shirka iyo caqabadaha hortaagan.
Shirka Jowhar ayaa iminka halis ugu jira in gabi ahaan uu istaago, waxa ayna taasi xanuun gaar ah ku heysaa Xassan Sheekh oo isaga ku tashanaaya in codad uu ka helo Xildhibaanada maamulkaasi cusub ee la dhisi doono uga mid noqon doona BFS.
Ma cadda waxa la gudboonaan doona Xassan Sheekh oo xiligaani aan wax cad gacanta ku heyn.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

