Caqabadda ugu weyn ee Soomaaliya ka hor taagan inay ka adkaato Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxay la tacaaleysa mid kamid ah kooxaha argagixisada ah ee ugu awoodda badan adduunka, balse dhinaca kale waxaa 31 sano saaran cuna-qabateyn dhinaca hubka ah.

Toddobaadkii hore waxaa Soomaaliya booqday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, wuxuu la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Booqashada Xoghayaha guud ee QM waxay ku soo aadeysa waqti ay Soomaaliya la tacaaleyso Al-Shabaab iyo Abaar. Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu garab taagan yahay xoghayha guud ee QM Antonio Guterres ayaa soo hadal qaaday mawduuca cuna-qabateynta hubka.

Al-Shabaab waa mid kamid ah labada kooxood ee ugu awoodda badan argagixisada ka jirta qaarada Afrika. Halka dowladda Soomaaliya ay tabar militari iyo mid dhaqaale-ba ay weli ku tiirsan tahay Midowga Afrika iyo dalalka reer galbeedka.

Madaxweynihii xafiiska baneeyay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha hadda tallada haya Xasan Sheekh Maxamuud labaduba waxay ka siman yihiin dalabka ah in Soomaaliya laga qaado cuna-qabateynta hubka si ay ugu sahlanaanto dhismaha ciidan tayo leh oo haysta hub ku filan sugida amniga dalka iyo soo afjarida argagixisada.

Dalalka caalamku waxay marwalba leeyihiin waa in Soomaaliya laga caawiya inay ka adkaato Al-Shabaab, haddana looma ogola hub ku filan in kooxda la wiiqo.

Micnuhu wuxuu u eekaan kara mashruuc aan dhamaad loo rabin ayay leeyihiin dadka ka faaloonaya arrintaan.

Dowladda federaalka Soomaaliya waxay dhowr jeer ku cel-celisay inay ku kalsoon tahay inay ka adkaan karto Al-Shabaab iyo Daacish, laakiin waxaa dhinaca kale aan la inkiri karin inay hub baahsan wajahayaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee loo diyaariyay inay cirib-tiraan argagixisada, soona celiyaan amnigii iyo xasiloonidii dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu QM uga mahad-celiyay garab istaaga joogtada ah ee Soomaaliya siinayeen dhowr iyo tobankii sano ee u dambeysay. Wuxuu sheegay inay Soomaaliya sameynayso horumar ballaaran, si gaar ah iska xoreynta argagixisada, nidaaminta iyo maalgelinta waxbarashada, caafimaadka iyo maamul wadaaga.

Wuxuu madaxweynaha la wadaagay xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres tallaabooyinka togan ee loo qaaday siyaasadda loo dhan yahay, gaar ahaan kulamadii u dambeeyay ee madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa maamul-goboleedyada, shaqada laga hayo dib u eegista dastuurka dalka iyo horumarka guud ee amniga dalka.

Midda ugu muhiimsaneyd ee khudbada madaxweynaha waxay aheyd arrinta cuna-qabateynta hubka. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in la joogo xilligii Soomaaliya laga qaadi lahaa cuna-qabateynta hubka si ay ugu filnaanto dagaalka argagixisada iyo sugida amnigeeda gudaha.

Kal hore golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa garwaaqsaday in Soomaaliya laga khafiifiyo cuna-qabateynta hubka, taas oo wax badan u tartay Soomaaliya.

Wuxuu madaxweynaha ka codsaday xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres inuu Soomaaliya garab ka siiyo in meesha laga saaro cuna-qabateynta hubka ee jirtay 31-dii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa la isku raacsan yahay haddii Soomaaliya cuna-qabateynta hubka laga qaado inay yeelan karto awood ay uga adkaato argagixisada, una xaqiijiso amaanka gudaha.

In uusan caalamka arrintaas si dhab ah uga jawaabin waxay dadka Soomaalida ah ku xoojineysa tuhunkii ahaa in dhibkooda shirko lagu yahay.