Caqabadihii hortaagnaa doorashada Soomaaliya oo ugu dambeyn laga guuleystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Golaha Shacabka ayaa dhawaan si hordhac ah uga bilaabatay Soomaaliya, waxaana la shaaciyey kuraas kale oo la qabanayo toddobaadkan gudihiisa, taasi oo dhaqaajinaysa rejada doorashada madaxtinimada dalka.

Tan iyo markii uu dalka u jiheystay hanaanka doorashada waxaa hortaagna caqabado kala duwan, kuwaasi oo dhowr jeer dib u dhigay jadwal doorashadeedyo la soo saaray, haddaba xiligan ma jiraan caqabadahaas?

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Ciro ayaa sheegay inaysan jirin caqabadihii badnaa ee ku gadaamna doorashooyinka dalka.

“Waxa marwalba jiray caqabado hortaagna doorashada iyo is-mari-waayo siyaasadeed, hadda majirto duruuf ku hor gudman inay bilaabato doorashada, markaa majirto sabab aan loo bilaabi karin.”

“Doorashada inaga leh waa madax-banaanideena, dadka Soomaaliyeed in ay qabsadaan waa wax looga baahan yahay, weliba mas’uuliyiinta qaranku ee iyagu saxiixay heshiiska doorashada ayaa waajib gaar ah sii saaran yahay inay door ka qaatan sidii doorashadaas u fuli laheyd oo meelaha laga bilaabina dhaqso looga bilaabo ay tahay.”

Guddoomiye Ciro ayaa sidoo kale sheegay in khilaafaadkii siyaasiga ahaa ee hortaagna doorashada iyaguna ay meesha ka baxeen, islamarkaana ay tahay in la dedejiyo dhameystirka doorashada.

Doorashooyinka Soomaaliya oo dhowr jeer dib u dhac ku yimid ayaa xiligan ku socda jawi wanaagsan, waxaana soo dhamaatay doorashada Aqalka Sare, ayada oo dhawaan si hordhac ah loo guda galay midda Golaha Shacabka.