Caro xooggan oo ka dhalatay go’aanka ay qaadatay DF ee ka dhan ka ah SSC-Khatumo

Laascaanood (Caasimada Online) – SSC-Khaatumo ayaa laga reebay tartanka kubadda cagta gobolka Banaadir iyo maamul goboleedyada dalka ee 2023-ka, taasi oo ay ka dhalatay fal-celin xooggan.

Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya iyo Xiriirka K/Cagta ayaa shaaciyay in tartanka ay ka qeyb-galayaan kooxaha Gobolka Banaadir, HirShabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland.

Tartanka kubadda cagta ayaa si rasmi ah u bilaaban doona 29-ka bishaan December, oo ku beegan maalin Jimce ah. WaxaaNA lagu ciyaari doona magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa tartankaan si iskeed ah iskaga hartay Puntland, oo uu khilaaf kala dhaxeeyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidee looga fal-celiyay arrinkaan?

Nimco Kayf: “Wajigiin gubeey kuwaani dowlaadnimo ma rabaan qabyalaad ba loo rebeey SSC-Khaatumo.”

Ugaas Cabdiraxmaan ayaa isna yiri “Jubbaland State tartanka ha ka qeyb-galina waa tartan ay ka hareen walaaladiin. Puntland sidoo kale laga reebay SSC-Khaatumo, Fadlan tartanka ha ka qeyb-galina Wabillahi Towfiiq.”

“Dowladda Soomaaliya dadka ka ah madaxda umada ayey kala qaybinayan si cad waliba, dadku ha idin si naadan billahi-caleykum,” ayuu yiri mid kamid ah dadka ka fal-celiyay go’aanka SSC-Khaatumo looga reebay tartanka.

Qanuuni Xaaji Maxamed: “Khaatumo yaa ka reebay, tartanka, ma warkii la sheegayey baa run ah oo prank miyey ahayd aqoonsigii Khaatumo. Waan ogaa odayga reerka u wayn in uu dhan u batayee, oo uu diiday in uu dhexdo istaago.”

Cabdicasiis Maxamed ayaa isna sidoo kale waxa uu yiri “Wax qaran ladhaho majiree Koonfur ciyaaraysa dheh, Puntland iyo Khaatumo waddan gaara weeye.”

“Ciyaar Puntland iyo SSC-Khaatumo ka maqan yihiin xadaarad ma leh,” ayuu yiri Xabiib Ibraahim.

Axmed Cabdi: “Wax Khaatumo la dhaho majirto maad dhahdayn.”

“Runtii waa wax aad looga xumaado in SSC-Khaatumo ciyaaraha dowlad-goboleedada laga reebo laakiin reer Khaatumo waxaan leeyahay ha ku niyad jabina ee dadaalkiina siiwada waxaadna ogaataan in aad hadafkiini iyo ujeedadiinii gaadheen oo ahaa dhulkiina in aad ka xoraysateen Somali-diidkii,” ayuu yiri mid kamid ah dadka ka fal-celiyay in SSC-Khaatumo laga reebo tartanka kubadda cagta.

Muumin Raage Axmed: “Tartanka haddii Puntland aysan qeyb ka ahayn waxa SSC-Khaatumo looga reebay waa qalad.”

“Khaatumo maxaa looga reebay koobka markaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdullaahi Sky.

Marwo Hafsa M. Warsame ayaa sidoo kale waxay tiri “Puntland, Jubbaland,  SSC-Khaatumo iyo DDS ayaa wada qabsan Jigjiga, Laascaanood, Garoowe ama Kismaayo ayaa la iskugu imaan dhawaan ka sheekeeya.”