Carragher: Liverpool waa inay ku dhameysataa Kaalinta afaraad.

Daafaca halyeeyga ah ee Liverpool Jamie Carragher ayaa rumeysan inay Reds weli heysato fursad ay xilli ciyaareedkaan ugu tartanto kaalinta afaraad ee Premier League.

Liverpool ayaa si hoose ku bilaabatay horyaalka iyadoo uu sutida u haayo macalinka cusub Brendan Rodgers, iyagoo arkay sided kulan oo aan dhinacooda dhulka la dhigin hadana waxay kaalinta afaraad uga samrayaan West Brom.

Baggies ayaa xilli ciyaareed la yaab leh ku bilaabatay, laakiin waxaa jira kooxo kale oo Champions League dareenkoodu yahay sida Tottenham, Arsenal iyo Newcastle wuxuuna Carragher maanka ku hayaa inay kooxda Anfield fursad u heysto inay mar kale kasoo dhex muuqato koobka kooxaha Yurub.

“Kooxuhu waa kuwo dhibco aysan ka fakan dhamaan wey ku tartamayaan booskaan,” ayuu yiri 34 jirkaani.

“Midaas waan la soconaa xilli ciyaareedkan si fiican kuma bilaaban laakiin guushii shalay [Sabtidii kulankii Wigan] waxay na tusineysaa inaanan aad uga fogeyn afarta sare, halkaas oo ah meesha aan dooneyno inaan ku dhameysano.

Liverpool ayaa hada kaalinta 11aad uga jirta Horyaalka Barclays Premier League.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.