Caruurta halyeygii isu dhigay qaraxii maqaayadda Luul Yamani ‘oo la dayacay’

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa haatan ku dayacan caruurta iyo qoyska Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Cabdi Cumar oo ahaa askarigii isu dhigay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee 3-dii bishan Augusto ka dhacay maqaayadda Luul Yamni oo ku taalla agagaarka dekedda Muqdisho ee degmada Xamar-Jabab.

Marxuumka ayaa ifka uga tegay todobo caruur ah oo uu sagaal jir ugu weyn yahay iyo waalidiintiisa oo waayeel ah, kuwaas oo haatan daryeel xumo ay soo wajhday.

Shaqada

Aabe Cabdi Cumar oo la hadlay Telefishinka Five Soomaali TV ayaa marka ka sheekeeyey, sida uu wiilkiisa oo Waardiye ahaa uga shaqo bilaabay maqaayadda Luul Yamani.

”Maalintii uu shaqo bilaabayey Maqaayaddaas aan shaqo ka helay ayuu yiri Aabe nolol maalmeedka ayuu ilmaha uga dhacsan jiray’’ ayuu yiri Aabe Cabdi Cumar.

Ka hor qaraxa

Ugu horreyn Aabe Cabdi wuxuu ka sheekeeyey wixii dhex-maray ka hor inta uusan dhiman wiilkiisa iyo ninkii is-qarxiyey oo doonayey inuu gudaha u galo maqaayadda wuxuuna yiri,

”Ninka qaraxa sida isagu waa yimid wuxuu yiri nin gudaha ku jiro ayaan rabaa wuxuu ku yiri taleefoon u dirso wuxuu yiri taleefoonkiisa ma aqaano hadane wuxuu ku yiri dad ayaan kuugu sheegaa ee magaciisa sheeg ma’aqaano ayuu yiri wiilkeyga waa booday ninka ayuu ka shakiyey waa ku dhagyey, marka uu isku duubay nin maqaayada ka soo baxay oo cunto soo cunay ayaa irida ka baxay wuuu ku yiri kaalay ila qabo ninka qarax ayuu sidaa hee waana cararay ninkii, nin kale oo waardiye ah ayaa u yimid ninka ayaa la’isla qabtay dhulka ayaa la dhigtay markaasuu is-daaray.”

Aabe Cabdi Cumar oo 70 jira ayaa sidoo kale ka sheekeeyey sida ay wax u dhaceen 3-dii bishan Augusto ee sanadka 2020-ka, kadib markii nin soo xirtay jaakadda qaraxyada uu isku qarxiyey maqaayadda Luul Yamani, xilli Qado ah oo ay dad badana ku sugnaayeen .

Qaraxa kadib

Wuxuu tilmaamay Aabe Cabdi in isla markii uu qaraxa dhacay Taleefoon loo soo diray, loona sheegay in maqaayadda uu ka shaqeynayey wiilkiisa uu ka dhacay, kadibna uu si deg-deg ah ku tegay goobta, nasiib xumase uu la kulmay wiilkiisa oo meyd ah.

‘’Waxaan maqlay meeshii qarax ayaa ka dhacay taleefoon ayaa la’ ii soo diray waan aaday markii aan meesha tegay waxaan helay lugtiisii iyo calooshiisii, aniga meelaan jiro waan aqoon waayey.’’ ayuu yiri isaga oo ilmeynayo Aabe Cabdi.

Dhimasho

Aabe Cabdi Cumar ayaa hoosta ka xariiqay in wiilkiisa uu doortay dhimashada, si uu bad-baadiyo dhammaan dadkii ku sugnaa halkaasi iyo hantida taallay maqaayadda.

”Wiilkeygu ninka uma socon wuxuu u socday hantidaas iyo naftaas boqolaalka ah inuu baabi’iyo wiilkeyga marka waxa uu biday in dadkaas intuu haligi lahaa inuu isagu dhinto.” ayuu markale yiri.

Dayac

Ugu dambeyn wuxuu sheegay inay dayacan yihiin caruurta maruuxmka iyo isaguba, maadaama uu ahaa qofka kaliya ee u soo dhicin jiray nolol maameedka, wuxuuna baaq u diray madaxda dowladda, gaar ahaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

”Madaxda qaranka oo madaxweynuhu ugu horreeyo waxaan ka codsanaya ilmihii waa kaas manta ma korin karo sheyb ayaan ahaa ahay hoy maleh wax ay cunaan maleh in la’ila korsho oo gacanta la’i qabto.” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey Aabe Cabdi Cumar.

Hoos ka daawo muuqaalka warbixinta.