Cashar muhiim ah ayaa Somalia ugu jira siyaasada arrimaha dibadd ee Iran

Dalka Iiraan waa waddanka kaliya ee ku yaal bariga-Dhexe ee madax-bannaani haysto. Madax-bannanidaan kuma imaan si fudud ilaa haddana loogama harin. Sida waddamada kale muslimiinta Iiraan waxaa marki hore loo dhiibay madax maqaar saar ahaa oo reer Galbeedku u talinayeen. 1979ki ayaa daba-dhilifyadii xukunka laga tuuray waxaana talada la wareegay kacaan ay hoggaan u hayeen wadaaddo shiico ah.

Kacaankaas waxaa uu abuuray collaytan dhinacyo badan ah. Ree Galbeedka oo uu diidan xorriyadda, Sunniyiinta oo ka caraysan shiico dowlad yeelatay iyo kooxo badan oo dowlado kale isticmaalayeen ayaa si joogta ah ula collaytamay. Jiho walba waxaa ka jiray cadow: Galbeedka Saddaam oo ujeedkiisu ahaa in la waayo wax Iiraan la yiraahdo, bariga Taalibaan oo qorshaheedu ahaa inay laayaan shiicada Iiraan oo dhan, koonfur-bari gobalka Baluchistan ee Pakistaan oo ah mid waligiis aan nabad arag, dhinaca koonfureedna waxaa ka xigay waddamada Carbeed oo cadaawad fog kala dhaxaysay. Intaas oo dab ku shidnaa Iiraan waa ka bad-baxday. Sidee?

1: waxay ku dadaashay inaysan iyadu dagaal billaabin waxayna sugeen intii labada cadow ee ugu darnaa (Saddaam iyo Taalibaan) uu Maraykanku madaxa ka jarayay. Marki labadaan la tuuray ma aysan fadhiisane waxay ka qayb qaateen xalka siyaasadeed ee waddamadaan lagu dajinayay waxayna hubiyeen in maamullo iyaga u dhaga nugul ay booska buuxiyaan.

2: Qarixi saraha Maraykanka ee 2001di ka dib, si ay ooga badbaaddo caradi Maraykanka waxay taageertay geeddi-socodoki siyaasadeed ee Ciraaq iyo Afqaanistaan. Sidoo kale waxay hubisay in siyaasadeeda gudaha ahaato mid dagan. Taariikhdu waxay na bartay in dalki fara galiyo dariskiisa ay xasilooni darradu si fudud kusoo gaarto. Tusaale, faragalinti Pakistaan ee Afqaanistaan, tii Hindiya ku samaysay kacdoonki Tamilka ee dalka Siiralaanka, Turkiga tii dhawaan ka raacday fara-galintisi Suuriya iyo midda Sacuudiga ka haysato yeman.

3: Iiraan, si ka duwan taas, waxay hubiyeen in dalkeedu dhex-dhexaad ahaado balse ay hubiso inay ka faaiidaysto isbadalka ku yimid cadowkeedi hore. Cayaartaan ay sida xirfadaysan u cayaartay ayaa u suura galisay inay noqoto awoodda gobalka iyadoon cidi ku taageerin.

4: Marki ay soo baxday kooxda waalan ee ISIS, Iiraan ma aysan sugin inta uu dabku soo gaarayo. Waxay si dhaqso ah u howl galisay kooxaha afkaarteeda ku shaqeeyo ee ay horay usii diyaarsatay sida Xisbullahi oo laf dhabar u noqotay badbaadidda Bashar Al-asad. Arintaan Iiraan waxay ku kasbatay sumcad waxayna qaddarin weyn ka heshay shacabka bariga dhexe. Hasa ahaatee waxaan la hubin waxaa ka imaan doono kooxaha ay hubaysay ee caqiidada ku dagaalamayo. Taariikhdu waxay na bartay in waddanki koox hubayeeyo ay isaga dib ugu soo laabtaan marki howshii loo hubeeyay soo dhamaato. Sida ay Iiraan ooga badbaaddo kooxaha boqolaalka kun kor u dhaafay ee ay hubaysay waa arin waqtigu sheegi doono innaguna aan sugayno hadii Eebe idmo.

5: Marki ay wada xaajoodka arrimaha nukliyeerka galaysay lama aysan xaajoon maraykanka ee waxay la xaajootay lixda dal ee adduunka ugu xoogga weyn, ugu danbayna waxay ku guulsatay in barnaamijkeedina u badbaado cunaqabatayntina laga fududeeyo.

6: Adduunka kooxaysiga noqday Iiraan waxay ku dadaashay inaysan daaf-daaq noqon sidaa darteed waxay heshiisyo la gashay Ruushka, Shiinaha iyo Hindiya dhica kala waxay isku dayday inay heshiisyadeedu aysan Maraykanka ka caraysiin taas oo dhib ooga imaan karay.

7: Si ay u koontaroosho saamaynta dekadda Gawadar  ee Pakistaan waxay shaqo galisay dekada Chabahar, si aysan ugu muuqan inay Pakistaan tartan kula jirtana waxay soo jeedisay in labada dekadood la walaaleeyo.

8: Si aysan bannaan ooga ahaan xal u raadinta Suuriya, waxay wada shaqayn la yeelatay dalalka Ruusha, Shiinaha iyo Turkiga sidoo kale waxay hubisay in carada Turkigu aysan albaabkeeda soo gaarin. Marki ay fursadda heshayna waxay Turkiga kusoo dhawaysay gacmo furan.

9: Dhawaan waxay codsadeen inay ka mid noqdaan dadaalka ay wadaan dalalka Pakistaan, Ruushka iyo Shiinaha ee lagu doonayo in Taalibaan ay qayb ka noqoto hoggaanka Afqaanistaan. Haddii lagu guulaysto waxaa yaraan doono cabsida ay qabtay dalkaas.

Iiraan waa dal la isku dayay in la curyaamiyo laakiin si fiican u fahmay dabinka loo dhigay. Waxay taqaan marka uu dagaalka iyo hanjabaaddu xal tahay iyo marka wada hadalku iyada anfacayo. Waxay fahamsantahay waxa ay is hayaan inuu yahay Maraykan inta kalana ay yihiin canaasiir uu isagu soo adeegsaday sidaa darteed marnaba ma tusto inay dagaal kula jirto waddamada Maraykanku soo ganay. Badalkeedi waxay ku dadaashaa inay danaheeda gaarto iyadoo iska dhigayso saaxiib xabiib ah. Iiraan waxay muddo dheer ku jirtay mid shabahdo tan innaga na haysato sidaa darteed waxaa muhiim ah inaan cashar ka baranno sida ay ku badbaaday hagardaamooyinki lala doonay danaheedana u gaartay.

Qoraalkaan waxaa asalkiisi lagu qoray halkaan: https://www.quora.com/Which-country-in-the-world-is-considered-to-have-the-best-foreign-policy-Why?ref=fb

W/Q: Ibrahim Aden Shire
Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/.
Ishire86@gmail.com