Maxamed Abshir: Askarigii dimuqraadiga ahaa.!!

Sanadkii 1958 waxa la mideeyay, oo hal hogaan loo yeelay ciidamadii police-ka iyo military-ga ee soomaaliya, iyada oo Maxamed Abshir noqday taliyihii u horeeyay ee ciidamada soomaaliya, dhawr sano kadib ayaa ciidamada military-ga gooni loo asteeyay, jeneral Dauud oo ahaa ku xigeenka maxamed Abshir ayaa taliye u noqday ciidamada milieary-ga.

1965-tii ayaa taliye Dauud si lama filaan ah u geeriyooday, madaxwayne Aadan cabdulle cusmaan iyo cabdirisaaq xaaji xuseen oo raiisalwasaare ahaa ayaa ka codsaday maxamed Abshir oo markaa ahaa taliyaha police-ka in uu ka talo bixiiyo sadexan sarkaal kii xilkaa loo magacaabi lahaa, sadexda sarkaal waxa ay kala ahaayeen, Maxamed siyaad, maxamed caynaashe, iyo maxamed liiqliiqato, taladii maxamed Abshir waxa ay noqotay in la tix galiyo sida ay saraakiishu shaqada ugu soo kala horeeyeen.

Maxamed siyaad barre ayaa noqday taliyihii ciidamada militaryga, sanadkii 1968 ayaa dawladii maxamed xaaji ibraahm cigaal ka dalbatay taliye maxamed Abshir in uu soo badalo taliyii qaybta waqooyi galbeed, si halkaa xisbigii leegadu u gaysto taliye ay ku kalsoonyihiin, oo ka caawiya sidii ay doorashada ugu guulaysan lahaayeen xisbiga leegadu.

Maxamed Abshir waxa uu martiqaad u fidiyay saraakiil ka tirsanaa ciidamada dalka oo ay ka mid ahaayeen, maxamed siyaad barre, maxamed caynaashe guuleed, maxamed ibraahim liiqliiqato, jaamac cali qoorsheel iyo xuseen afrax, isaga oo martiqaadka dulucdiisu ahayd in maxamed Abshir kula taliyo taliyayaasha in ay ka fogaadaan garabsiinta siyaasiyiinta waqtiga doorashada, siyaad barre ayaa isagu ku gacansaydhay taladaas isaga oo bayaamiyay in uu adeecayo oo uu u hogaansamayo awaamirta dawlada uu raiisalwasaaraha ka ahaa markaa maxamed xaaji Ibrahim cigaal iyo xisbiga leegada ee talda dalka hayay oo uu xoghaye ka ahaa yasiin nuur xasan bide.

Maxamed Abshir waa uu iscasilay, mudo hal sanno gudaheed ahna maxamed siyaad bare ayaa xukunkii dalka kula wareegay inqilaab military.

Sanadkii 1969kii dawladii militeryga ahayd waxa ay ku xukuntay maxamed Abshir 3 sanno oo xabsi guri ah, kadib waxa loo taxaabay xabsiga iyada oo uu 9 sanno ku jiray xabsiyadii ugu adkaa wadanka ee sida adag loo ilaalin jiray, wakhtigaas waxa isaguna kula xidhnaan jiray xabsiga Raiisalwasaarihe maxamed xaaji ibraahim cigaal, sanadkii 1982 ayaa xabsiga laga soo daayay, markii xabsiga laga soo daayay wax uu ogaaday in hooyadii dhimatay 4 sano kahor.

Alleh ha u naxariisto dhamaan dadka ku xusan maqaalakan oo uu ugu dambeeyay baxamed Abshir ogaalkay.

W/Q: Cabdiqani Iid Cilmi
Email: qanoeid@outlook.com