Sawiro: Maamulka Gobolka Banaadir oo ololihii nadaafadda ee Bilaha aheyd ka sameeyey Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa fuliyey ololihii nadaafadda ee bilaha aheyd taasoo la sameeyo bil kasta si wax looga badalo bilicda Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed iyo xubno kale oo ka tirsan Maamul Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb qaatay Ololaha naadaafadda oo laga fuliyey inta u dhaxeyso KM4 ilaa Isbitaalka Madiino.

Howshaan Nadaafadda ayaa inteeda badan waxaa xoogga lagu saaray Isgoyska Soobe oo ay weli ka muuqato saameyntii Qaraxii xoogaana ee halkaas ka dhacay.

Cagafyada Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb qaadaney ololaha Nadaafadda, waxaana dadkii lahaa Guryihii ku burburay Isgoyska Soobe laga caawiyey in laga qaado burburka Dhismayaasha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo saxaafadda kula hadlay halka ay ka socotay ololaha Nadaafadda ayaa sheegay inay howshaan tahay mid lagu soo celinayo bilicdii Magaalada ay aheyd, isla markaasna wuxuu sheegay inay shaqadaan tahay mid joogta ah oo la qabto Bil kasta.

Sidoo kale Guddoomiyaha oo qoraal soo dhigay Bartiisa Faceboo ayaa yiri:

” Maamulka Gobolka Benaadir iyo Dowladda Hoose Muqdisho wuxuu ololaha nadafadda billaha ah ka fuliyay KM4 ilaa iyo Isbitaal Medina. Waxaan aad uga shaqeynay goobihii masiibada ka dhacday 14kii October si aan u garab istaagno dadka dhismayaasha iyo goobaha ganacsiga ka burbureen oo u baahan in la garab istaago. Waxaan u mahadcelinayaa dhamaan intii nagala qeybqaadatay”

Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada: