Xog: Cawad oo la saftay madaxweyne Xasan Sh.

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee BF Somalia Cabdalla Cawad, ayaa dhaliilay waxqabadka Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia mudadii Seddexda sano oo ay shaqeynayeen.

Cawad waxa uu sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay wakhtiga ugu badan ay ku bixiyeen Maqnaansho iyo Mooshino Muda Bilooyin ah qaatay, sidaasi ay ku dacayeen Sharciyo badan oo laga sugayay inay ansixiyaan, kuwaasi oo muhiim u ah Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Waxa uu soo hadal qaaday Mooshinka iminka laga geeyay Madaxweyne Xassan waxa uuna farta ku goday in Xildhibaanadu ay ku degdegeen islamarkaana ay dalka u abuurayaan carqalad Siyaasadeed.

Wuxuu Xildhibaanada ku eedeeyay inaysan kala garaneynin wixii u dan ah dadka iyo wixii caqabad ku ah, isagoona Mooshinka ku sheegay mid lagu carqaladeynaayo Somalia.

Sidoo kale, Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ayaa sheegay in mudadii Seddaxda Sano ahayd ee Baarlamaanka shaqeynayay ay u suurta gashay in ay qabtaan shaqooyin aad u badan.

Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac, ayaa beeniyay wararka sheegaya in Baarlamaanka uu ka gaabiyay shaqooyinkii loo igmaday.

Waxa uu sheegay in ay gaareen inay ku shaqeeyaan qaab casri ah, islamarkaana shaqada ay qabteen ay noqon doonto mid lasii hiigsan karo.

Dhanka kale, Xildhibaanka ayaa tilmaamay in ay la xisaabtameen xukuumadaha dalka soo maray mudadii uu shaqeynayay baarlamaankaan aan KMG ahayn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com