“Mooshinka wuxuu keenayaa 2 arin oo halis ah”

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo maanta saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa si weyn kaga hadlay mooshinka xildhibaanada baarlamaanka qaarkood ka gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya.

Maareeye, ayaa sheegay in mooshinka xildhibaanada qaar gudbiyeen uu sababi karo dib u dhac weyn oo ku yimaada qaranka Soomaaliya, isagoo sheegay in saameyn weyn ku yaalan karo amni daro ka dhacdo dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay xildhibaanada baarlamaanka looga baahan yahay iney ka fakaraan xaalada dalka uu iminka marayo loona baahan yahay in horumarka dalka laga shaqeeyo.

Siyaasado isdiidan ayuu wasiirka ku tilmaamay mooshinka xildhibaanada baarlamaanka ay gudbiyeen, waxayna u muuqaneysaa in golaha wasiirada ay siyaabo kale doonayaan in mooshinka ay kaga difaacaan madaxweynaha Soomaaliya.

“Runtii mooshinku iyo waxa la yiraahdo siyaasada waa waxyaaabo is diidan, marka mooshinka hadda xildhibaanada keeneen wuxuu dhibaato weyn u keenayaa xaga amaanka iyo horumarka  dalka Soomaaliya ka socda, laakiin hadda habka dowlada 90 % waa mid adag”ayuu yiri Maareeye.

Xildhibaanada baarlamaanka ee gudbiyay mooshinka ka dhanka ah Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa dalbanaya iminka in la dadajiyo loona bilaabo ka doodistiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com