Mooshin wadayaasha oo fariin u diray gudoonka sare baarlamaanka Soomaaliya (Maxay tahay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada mooshinka wada ayaa qeylo dhaan kasoo saaray caqabadaha gudoonka sare ee BF Somalia ku hayaan Mudanayaasha xili hore gudbiyay Mooshinka.

Xildhibaanada qeyla dhaanta diray ayaa waxaa kamid ah Khaliif Maxamed Xaaji oo xubin firfircoon ka ah BF, waxa uuna dhaliilay qaabka gudoonka sare u dib dhigayaan Mooshinka.

Xildhibaan Khaliif waxa uu sheegay inaysan la dhacsaneyn qaabka Gudoonka sare BF ay u wadaan dadaalka ay ku dhaqan galinayaan Mooshinka waxa uuna sheegay inay ku baaqayaan in Mooshinka la dadajiyo.

Xildhibaan Khaliif ayaa sidoo kale sheegay inay ka tashteen qaabka loo dardar galin lahaa Mooshinka, islamarkaana ay isla garteen in Gudoonka sare ay wax muuqda ka qabtaan dib u dhiga ay ku sameynayaan Mooshinka ay ka gudbiyeen Madaxweyne Xassan Sheekh.

“Fadhigeenu waxa uu ahaa mid la xiriira qaabka loo dardar galin lahaa Mooshinka, waayo shacab badan ayaa dalbanaayo in wakhti hore la soo idleeyo Mooshinka si dib u dhac uusan ugu dhicin Hiigsiga 2016-ka”

”Mudada uu Mooshinka ku jiro gacanta Gudoonka sare waxaa anaguna soo aruurinay macluumaad ku saabsan eedeymaha Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh”

”Waxaan ku baaqeynaa in guddoonka Baarlamaanka soo dedejiyo Mooshinka. waayo caqabad ayaa naga heysata dhanka shacabka oo iyagu sugaayo guul ama guul daro”

Sidoo kale, Xildhibaan Khaliif ayaa Shacabka Somaliyed ka dalbaday inay taageeraan Mooshinka laga kenay Madaxweynaha oo uu sheegay in sharciga lagu kala baxaayo.

Geesta kale, Xildhibaanada ka haray Mooshinka ayuu dhankooda ku booriyay inay kusoo biiraan Mooshinka inta aan go’aan laga gaarin oo uu horyaalo Gudoonka sare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com