Galmudug & A/Sunna oo 5 qodob ku heshiiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Galmudug, ayaa sheegaya in Maamulka Galmudug uu heshiis la saxiixday Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Heshiiskaasi uu ahaa mid la xiriira ka gudubka Khilaafka iyo inay Ahlusunna kamid noqoto Maamulka dhawaan Madaxweynaha loo doortay C/kariin Xusein Gulleed.

Heshiiska oo dhowr qodob ka kooban ayaa waxa lasoo warinayaa in inta badan uu yahay Qodobo lagu raali galiyay Maamulka Ahlusunna si ay u adeecaan Maamulka Galmudug.

Waxyaabaha Heshiiska ku xusan ayaa waxaa ka mid ah ka qeybgalinta Ahlu-sunna maamulka Galmudug, sida xildhibaanada, wasiirada, wasiiro ku-xigeenada, agaasimayaasha iyo maamulada gobalada iyo degmooyinka.

Heshiiska lawada gaaray ee Awood-qeybsiga ah ayaa dhigaaya in 25% Xubnaha Golaha Wasiiradda la siiyo Ahlu Sunna.

Xubnaha Ahlusunna uga qeybgaleysay Munaasabada Heshiiska ayaa qalinka ku duugay inay wax la qeybsanayaan Maamulka Galmudug, islamarkaana ay kaalin wanaagsan ka qaadan doonaan guulaha uu Maamulka ka gaari doono dhinacyada Amaanka, Horumarka iyo la dagaalanka Maleeshiyaadka Al-shabaaab.

Heshiiska ayaa waxaa labada dhinac u kala saxiixay Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo gudoomiyaha Seddaxda Gole ee Ahlu-sunna Sheekh Ibraahim Guureeye .
1

2

3

4
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com