XOG: Buuq ka dhashay socdaalkii madaxweyne XASAN SHEEKH ee degmada DIINSOOR (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) –  Warar aan ka heleyno masuuliyiin ka tirsan maamulka koofur galbeed ayaa Caasimadda Online u sheegay in socdaalkii shalay ee Madaxweynaha uu ku tagay magaalada Diinsoor uu halkaa ka dhashay is qabqabsi iyo buuq dhex maray howl wadeenada xafiiska Madaxweynaha iyo kuwa Maamulak koofur Galbeed.

Is qabqabsiga oo salka ku haya markii uu Madaxweynaha ka soo degay diyaaraddii AMISOM ee wadday in maamulka koofur galbeed uu halkaa ku diyaariyay cutubyo ka tirsan ciidanka Ethiopia oo Madaxweynaha uu ka qaatay salaan sharafeed.

Sawiro iyo filimkii aay ka duubeen bahda saxaafadda ayaa isla markiiba waxaa kaamirooyinkii laga qaaday dhammaan suxuufiyiintii goobta ku sugneyd iyadoo markaas howl wadeenada xafiiska madaxweynaha aay diidanaayeen in sawiradaas warbaahinta ku soo baxaan.

Arrintan oo maanta cirka isku shareertay ayaa dhammaan warbaahinada ku hadla afka dowladda aanay soo bandhigin sawiradii shalay madaxweynaha looga qaaday magaalada diinsoor (RADIO MUQDISHO). Sida aad ku arki doonto idaacadda ku hadasha afka dowladda ayaa soo saartay sawir madaxweynaha mar uu booqasho ku tegay Nairobi – Riix Halkan

Sharif Xasan Sheekh aadan ayaa dagaal dheer u galay in lasoo daayo filimadii iyo sawiradii shalay lagu qaaday magaalada diinsoor, waxaana waan waan dheer la soo daayay saakay dhowr sawir oo lagu qancinaayay Sharif Xasan. Madaxtooyada ayaa gebi ahaanba diiday in la soo daayo filimadii laga duubay socdaalkii madaxweynaha

diinsoor1diinsoor2diinsoor3

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimadda@live.com