Beelaha Galmudug iyo Puntland oo dagaalay

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dagaal u dhexeeya Labo maleeshiyo beleed oo ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta ka dhacay degaano hoos yimaada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Dagaalka aya geystay dhimasho iyo dhaawac, wuxuuna ka dhacay degaan dhinaca Bari ilaa 80 KM u jira Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ilaa Saddex Qof oo ah Dhinacyadii Dagaalamay. Dadka ku dhaawacmay ayaa loo soo qaaday dhanica Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug si halkaasi xaaladooda caafimaad loogu dabiibo.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Aweys Cali Saciid ayaa sheegay inay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay ku xaliyaan dagaalada ka soo cusboonaaday miyiga Gobolka Mudug, ayna talaabo ka qaadi doonaan cidkasta oo lug ku yeelata hurinta xiisadaha ka soo cusboonaaday Gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Aweys Cali Saciid ayaa ku eedeeyay inay dagaalka soo qaadeen Maleeshiyaad ku hayb ah Maamulka Puntland sida uu hadalka u dhigay. Maamulka Puntland ayaa dhankiisa ka hadlin Dagaalka ka dhacay Degaanada Miyigaa ee Gobolka Mudug.

Isha goobjooge