Goormaa la caleemo saarayaa Axmed Madoobe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Madaxtooyada Maamulkaasi uu ka socdo barnaamijka fidinta casuumaadka Munaasabada lagu caleema saari lahaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed madoobe.

Qorshaha marti galinta Caleema saarka ayaa ah in Madaxweynaha Maamulkaasi uu culeyska saaro ka qeybgalinta Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Somalia, waxaana jiro in infiiteeshinka ay ku jiraan marti galinta Wasiiro ka kala tirsan Dowladaha Ethiopia iyo Kenya.

Caleemasaarka ayaa la filayaa inay dhacdo 12 bisha fooda nagu soo haysa ee Septebar.

Caleemasaarka kadib ayaa la filayaa in Madaxweyne Axmed Madoobe uu magacaabo Xukuumada Cusub ee Maamulkiisa, waxaana magacaabidaasi daba socon doona Magacaabida Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka oo ay ku tartamayaan laba Mas’uul.

Inta badan beelaha kasoo jeeda Deegaanada Maamulka ayaa kasoo horjeeda doorashadii ka dhacday Kismaayo, oo iyagu aaminsan in Axmed Madoobe uu isaga un is doortay.

Beesha Caalamka ayaa taageertay doorashadii ka dhacday Magaalada Kismaayo, inkastoo DF Somalia aysan cadeyn mowqifkeeda ku aadan doorashadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com