Xal-u-helidda nabadgelyo la’aanta SOOMAALIYA

Salaan iyo hambalyou ka bacdi, waxaan jecelahay in aan su’aal u jeediyo, ciddi ay khuseyso, Waa maxey hawsha  iyo mas’uuliyadda ciidamada Amisom  u xil-saaranyhiin ee Somaliya iyo wakhtiga u cayiman dhamystirka hawshaas? Waxaan su’aashan ugula jeedaa : Iyadoo Unisom dalka joogeen muddo ka badan 7 sano ayey awood u la’yihiin inay cadowga ka saaraan, dalka oo dhan iska daaye, gobolada ku dhow-dhow Caasimadda. Inkastoo mar hore la iclaamiyey  in cadowga laga safeeyey Shabeelada hoose muddo laga joogo sannad, waxaa lasheegayaa in magaalooyin badan oo gobolka ka tirsan ay weli  ku jiraan gacanta cadowga , sida kunya-barrow, sublaale, kurtun-waarre,iyo kuwo kale oo dhamaantood ku yaalla duleedka BARAAWE kaasoo beri hore laga xoreeyey cadawga. Degamooyinka kale sida Jilib, jamaame, Bu’aale, saakow,  iyo kuwo kale hadalkoodba iskadaa.
Mar haddii Ciidankii Qaranka dismihiisii iyo dib-u-habeyntiisii tamar ahaan hirgeliwaayey,si kastaba ha u dhacdee, sidii uu mas’uuliyaddaas u gudan lahaa, intee sanno oo kale ayey ku qaadan doontaa UNISOM in uu cadowga dalkoo dhan ka safeeyo? Waxaa dhacda marar  badan oo  cadowga goob amma saldhig laga saaray amma uu iskii iskaga baxay in Ciidanku daba-geliwaayo cadowga si uu u baabi’iyo awoodiisa ciidan, markaasana cadowgu ka faa’iideysto oo uu hubkiisii ula guuro duleedka goobta ka dibena awood u yeesho n uu goobtii  go’doomiyo amma dib u soo weeraro,sidii ka dhacdey Buula-burte, Xuddur, Waajid, yeed iyo kuwa kale. Istrategiyadan waxay tusaale u tahay  hawlqabadka Unisom ee dhutinayaa. Horaa loogu maah-maahey “Gacamahaagaa biyo lagaga dhergaa”  Wallee Ciidan shisheeye ayaa dal kuu xoraynaya maaweelo iga dheh..  Tusaale dhaw waxaa ah ” Vitnaam, Afghaanistaan, Ciraq kuwaasoo gebi ahaantood lagu fashilay. Dhanka kale  waxaan soo qaadan karnaa Najeiria, taasoo Ciidamadeedi muddo aan ka badanayn laba todobaad ka saareen Boko-Xaraam dulkii ay haysteen intiisii badnayd iyagoo la kaashanayaa ciiamada dawladahay jaarka yihiin, isla markaana suurto geliyeen in doorasho xorr ah ka qabsoonto Najeiria. Mayaanu arrinkaasu tusaale cad ahayn? Tusaalahan ulama jeedo wax dhaliil, balse waxey igatahey qeylo-dhaan aan ku baraarujinaayo oo ku wajahan Dowladda si loo dardargeliyo dismahii iyo tayeyntii ciidamada Qaranka, habkasta iyo jidkasta oo loo maroba , kuwaasoo saldhig u ah nabadgelyada, xassiloonida, horumarka dhaqaalaha, siyaasadda, dawladwanaaga iyo wax kasta oo kale oo taaba gelinaya jirtaanka iyo hor-u-marka qaran-nimada Somaaliyeed.
Danka kale, haddii aan dib-u-jaleeco nabad gelyo la’aanta dalka guud ahaan waxaa sababay bur-burkii iyo dagaaladii sokeeyey oo lakala irdhoobey oon laga heshiin. waxaa ila haboon in SHIRWEYNE lagu lafa-guro debaatooyinkii dhacey oo laga heshiiyo intii aan loo gudbin Dawladwadaag Qaran. Haddii aan u soo laabto  magaalada Xamar, waxaa jirtey in sannadkii 2011 uu cadawgu iclaamiyey in uu ka baxey magaalada , inkastoo uu dagaalka ka sii wadey  duleedkeeda. Waxaa Dawladdu bilawdey abaabul lagu xoojinaayo AMNIGA magaalada. Waxaa la hawlgeliyey 16kii Degmo ee magaaladu ka koobneyd. Wxaa loo magcaabey Guddoomiyaal & guddiyo fuliya hawsha iyo Ciidan bolise ah oo ka hawlgala sugidda nabadgelyada. Intaas waxaa dheer Ciidamadii Qaranka (Xoogga, Poliska, Asluubta iyo Nabadsugidda) iyo Unisom oo dhamaantood heegan u ah sugidda amniga. Dadaalka baxaddaas leh oo jira ayaa cadowgii awood u yeeshey in uu dharaar cad soo weeraro Xarumihii Dawladda, saldhigyadii Ciidamada,Huteeladii magaalada dhexdeeda, Xarumihii Hayadaha shisheeyey.
Waxaa xaqiiq ah in aanu cadowgaasi debed ka immaanin ee uu ku noolyahey degmooyinka Xamar dhextooda, halkaas oo laga soo maleego dhibta oo dhan, baabuurta isqarxiska waxaa lagu soo farsameeyaa geerishyada magaalada. Waxa halkaas ka muuqata in kaalintii wax-qabad ee bulshada ku nool Degemooyinka Xamar ay meesha ka maqantahey, taasoo dhaliisheeda leh. Ninbaa gabyey baa wuxuu  yidhi “Aan mudnaado maalkana aan dhaco magacna yaan waayin,  sidaas Mohamed baa laguu arkey iyo maanyadii Xamar ee, sideebay u  meelmari karta xaajadaas murugsan?” Murtiduna waxay tahey Milil dushii lama dhayo’  Waxaa kale ood mooda in ay meesha ka maqantahey kaalintii Culimada,Oddayaasha dhaqanka,,Wax-garadka,Macalimiinta Dugsiyada kuwaasoo si dhow bulshada wax ugu sheegi kara kana dhaadhicin kara ahamidda xasilloonida noloshu u leedahay mujtamaca ay ku dhex noolyihiin. Waxay iigu muuqata in natiigo laga gaadhidoono sugidda nabadgelyda khaas ahaan magalo madaxada dalka markaas ka dib.  Waxaa kale oo lagama maar maan ah in Magala Madaxda dalka laga hirgeliyo tira-koob Degemo kasta  si loo ugaado tirada dadka ku nool loogulana xisaabtamo madaxda Degemada.
Wabillaahi Tawffiiq.
S/Gaas. Ismail Ahmed Ismail
Cooper Lakes Dr.
Grayson GA. USA
Cooper