XOG: CCC oo safar ka ah magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa lagu wadaa inuu booqasho ku tago Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Safarka Ra’isul wasaare Cumar ayaa la xiriira arrimo badan oo ay kamid yihiin weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Kismaayo, Amaanka, wax ka bedelka xiriirka Maamulkaasi kala dhexeeya DF iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Ujeedka ugu weyn socdaalkiisa ayaa lagu sheegay inay tahay ogaanshiyaha Axmed Madoobe weerarkii ka dhacay Kismaayo, kadib markii DF Somalia ay shaki weyn ka qaaday weerarkaasi oo qaabka uu u dhacay laga helay xogo kala duwan.

Safarka ayaa ku beegan 29 bishan oo ku beegan maalinta sabtida ee nagu soo aadan.

Safarka Ra’isul wasaare Sharma’arke ayaa ku soo beegmayo xili wax kalsooni iyo wadashaqeyn ah aysan ka dhexeynin Hay’adaha ugu sareeya DF.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com