CABDI WELI GAAS oo codsi u diray Somaliland, Khaatumo iyo GALMUDUG kana dalbaday inay…

Muqdisho (Caasimada Online) – C/welli Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha maamulka Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay nabad ku wada noolaansho buuxdo oo dhexmarta dhamaan maamulada deris la ah maamulka Puntland.

Madaxweyne Gaas, ayaa sheegay in maamulkiisa uu ugu baaqaya maamulada ku hareereysan Puntland iney diyaar u noqdaan nabad ay kula noolaadaan maamulka uu madaxaweynaha ka yahaya ee Puntland.

Wuxuu sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay inuu nabad kula noolaado dhamaan maamulada deriska la ah iyo kuwa ka fog fog Puntland, maadaama aysan wanaagsaneyn colaad dhexmarta ummada Soomaaliyeed sida uu sheegay Mr Gaas.

“Puntland waxay ku baaqaysaa Dariskeeda dhaw iyo kan fogba ku wada noolaansho nabadeed, cid walba oo Puntland Oggol Puntland-na way oggoshahay, cid kasta oo Puntland nabad la jecel nabad ayaan la jecelnahay” ayuu yir Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas.

Hadalka madaxweyne Gaas ayaa u muuqanaya inuu wax badan iska badalay mowqifkii adkaa ee ay Puntland ka qabtay maamulka uu madaxweynaha ka yahay C/kariin Xuseen Guuleed ee Galmudug, maadaama markii hore xiisada u dhaxeysay labada maamul.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com