Warbixin: Jubbaland oo Ethiopia siisay awoodda maamulada loogu sameynayo dalka Soomaaliya

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa markii ugu horeysay dowlada Ethiopia si rasmi ah u siiyay awood ay kaga qeyb qaadan karto maamul u sameynta gobolada dalka Soomaaliya, maadaama ay kamid yihiin ciidamada AMISOM.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdi Nuur Cali Aadan, oo saxaafada la hadlayay ayaa ka dhawaajiyay in Ethoipain-ka xaq u leeyihin iney ka qeyb qaataan dhismaha maamulada gobolka Dalka Soomaaliya.

Sababta u sidaasi ugu dhawaajiyay ayuu ku sheegay iney tahay in ciidamada Ethiopia ay wiilashoda iyo gabdhahooda ku dhimanayaan dalka Soomaaliya ayna xaq u leeyihiin iney ka qeyb qaataan dhismaha maamulada dalka Soomaaliya.

“Xaq ayay u leeyihiin iney dhismaha maamulada ka qeyb qaataan sababtoo ah wiilashooda iyo gabdhahooda ayaa halkaan ku dhimanaya, mar walba ayayna na garab taagan yihiin”ayuu yiri wasiirka warfaafinta jubbaland.

Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii eedo badan loo jeediyay dowlada Ethiopia oo ku aadan iney xoog xilka kaga qaaday gudoomiyihii gobolka Gedo Maxamed Cabdi kaliil ayna gobolkaasi kasoo masaafuriyeen siyaasiyiin badan oo reer Gedo ah.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com