Shaakir: Anaga kuma lug lihin heshiiska Cadado

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmaha soo socda Maamulka Galmudug uu magacaabi doono Xukuumada Cusub ee Maamulkaasi, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna.

Sheekh Max’ed Shaakir oo ah Madaxweynaha Maamulka Gobollada Dhexe ayaa shaaca ka qaaday in ka maamul ahaan aysan aqoonsanaan doonin ballanqaadka loo sameeyay Xubnaha heshiiska la galay Maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay inay aaminsan yihiin mowqifkii ay Maamulka ku dhisteen, islamarkaana gudaha asbuuca soo socda ay ku dhawaaqi doonaan Golaha Wasiirada Maamulka Gobollada Dhexe.

Sheekh Max’ed Shaakir oo taageerayaashiisa kula hadlayay gobolka Galgaduud ayaa sheegay in si isdaba joog ah ay u soo gaarayaan dalabyo ku aadan dhameystirka maamulkiisa.

Isagoo ka hadlaayay magacaabida la filaayo Golaha Xukuumadiisa ayuu yiri ”waxaa heer gaba gabo ah maraya la tashiyada ku aadan magacaabista Golaha Wasiirada Maamulka Gobollada dhexe”

Hadalka Madaxweynaha Maamulka Gobollada Dhexe ayaa imaanaya xilli shalay Magaalada Cadaado uu Maamulka Galmudug heshiis kula saxiixday xubno matalayay culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com