XOG CUSUB: Xasan Sheekh oo siyaasad cusub la dheelaya xildhibaannada mooshinka gudbiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka Odayaasha Beelaha Soomaaliyeed ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheekh uu wado qorsho uu kula kulmaayo Odayaasha kasoo jeeda Beelaha ugu tunka weyn Somalia.

Qorshahaani ayaa la sheegayaa in Madaxweyne Xassan uu ku doonaayo inuu ku kasbado Odayaasha si Xasarada ka dhalatay Mooshinka iyo Khilaafka Mideeyay Xildhibaanada BF Somalia xal loogu raadiyo.

Madaxweynaha ayaa doonayo in Odayaasha uu ka dhaadhiciyo inay culeyska saaran xalinta Mooshinka Cusub si Odayaashu ay cadaadin u saaran Mooshin wadayaasha ku heebta ah ee iminka dagaalka muuqda kula jiro Madaxweynaha dalka.

La kulanka Odayaasha ee Madaxweyne Xassan ayaa la sheegay inuu ka koobnaan doono ilaa 2 waji oo uu wajiga koowaad noqon doono inuu u qaabilo beel beel, halka wajiga labaadna uu ahaan doono mid mideysan.

Qorshaha lagu kulminaayo Odayaasha ayaa waxaa isla daadihinaayo Madaxtooyada Somalia, Xildhibaano Xassan taageersan iyo Siyaasiyiin u dhisan hab beeleed oo dhamaantooda ka mideysan xal u helida Mooshinka walaaca ku beeray Madaxweyne Xassan oo iminka gaaray heerkii ugu sareeyay cabsi.

Geesta kale, waxaan iminka lasii saadaalinkarin biyo dhaca natiijada kulankaasi kasoo bidhaami doonta inkastoo qorshaha kulankaasi uu u muuqanaayo mid Xassan Sheekh uu ku hirgalin doono hadafkiisa Siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com